Ninkii u Han Weyn Hoggaanka Dalkoow, Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel!!

0
420

Aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxa saldhig u ah Dareen-Wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada kaasoo ay rag iyo haweenba guud ahaanba ka siman-yihiin. Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyadduna waa isku dab iyo dhagax. Nasiib darrada jirtaa waxa weeye in Dareen-Wadareedka Ummadnimo oo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso uu bulshadeenna aad ugu yar yahay, halka uu Dareen-Wadareedka Qabiilka oo ah cadowga koowaad ee Qarannimaduna uu ummadeena aad ugu xoog badan yahay.
 
“Ummaddii hurin-huriniyo, Noqota Habar-habar
Kolay Hibashiyo, Ma waydo Huqdee. 
Qaranka Hadhsadoo, Haybadda ku gam’oo,
Quluubta hal qudha, Hoheey ka Noqdaay.
Waa kaa horumaray Dhulkii Hooyee,
Ninkii u Han Wayn Hoggaanka Dalkoow,
Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel!!” (Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax)
 
Helitaanka kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL waa qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee ay u tartamayaan Xisbiyada Qaranka ee siyaasadda ku loollamaya.
Hanashada quluubta iyo maanka cod-bixiyeyaashu waa farsamo u baahan hayal-samaan siyaasadeed oo aad u qoto-dheer taasoo salka ku haysa daacadnimo, run-sheegnimo, waayo-aragnimo, dulqaad, tab iyo farsamo siyaasadeed oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo. Hanka iyo himilada Siyaasadeed ee uu leeyahay Hoggaamiye Xisbi Siyaasi ahi (Mucaarid iyo Muxaafidba) waxa lagama maarmaan u ah kasbashada kalsoonida Codbixiyeyaasha.
 
Muranka ka dhex taagan Golaha Wakiilladu wuxuu jaah-wareer iyo walbahaarba ku ridayaa guud ahaanba shacbiga JSL iyo cid kastoo danaynaysa nabadda, degenaanshaha, horumarka iyo geedi-socodka hannaanka dimuqraadiyada ee JSL. Is qab-qabsiga aan xikmadda lahayn ee u dhexeeya mudanayaasha Golaha Wakiilladu waxa uu niyad jab iyo danayn la’aanba ku ridayaa Shacbi weynaha JSL oo ah kuwa suurto geliyey nidaamka Xisbiyada badan ee maanta JSL ka jira. Muranka Sharci wuxuu niyad jab ku ridayaa Shacbiga xalaasha ah ee iyagu mar walba heeganka u ah sidii uu u hirgeli lahaa hannaanka Dimuqraadiyaddu.
 
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI waa muwaadin loo igmaday Xil Qaran oo Culus, waana masuulka koowaad ee loo doortay inuu hoggaamiyo hab-sami u socodka Hay’adda ugu sarraysa Sharci dejinta Qaranka. Guddoomiyaha WADDANI wuxuu xusul-duub ugu jiraa inuu galo tar-tan doorasho oo Madaxweynenimo, Shacbigana JSL-na wuxuu ka doonayaa inay siiyaan cod, lagana yaabee in maalin maalmaha ka mid ah isaga loo doorto Hoggaanka ugu sarreeya Qaranka. Waxa lagama maarmaan ah inay Shacbigu fahmaan in Muranka Sharci ee ka dhex aloosan Golaha Wakiillada ee mar walba soo cusboonaanaya aanu ku salaysnayn Sharci ama Xeerar ay Goluhu Muxaafid iyo Mucaarid isu hayaan , wuxuu salka ku hayaa dano shakhsi, daan-daansi siyaasadeed iyo fikir qayrul-masuulnimo oo salka ku haya maxaa iigu jira, maxaa iga galay iyo ha duntee ku-jiq sii.
 
Haddaba, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isla markaana ah Murashaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigiisa, halkii uu isagu kow ka noqon lahaa ilaalinta iyo ku dhaqanka Xeerarka iyo Shuruucda uu Goluhu ansixiyo, miyaanay nasiib darro inteeda le’eg ahayn inuu isaga laftiisii horseed ka noqdo ku xad-gudubka iyo jaah-wareerinta Xeerarka uu Goluhu dhaqan geliyo. Masuul isaga laftiisii horseed ka noqday ku xad-gudubka Xeerarka iyo Sharciyadda Qaranka, waxa is weydiin leh:, sidee bay Shacbigu ugu aamini karaan masiirkooda iyo aayahooda dambe?? Waxa kaloo is weydiin leh: Haddiiba ay dhacdo in Masuulkaasi uu maalin maalmaha ka mid ah ku guulaysto kursiga dalka ugu sarreeya, waa maxay Xaq-dhowrka Shasrci iyo Caddaaladda Shacbi ee ay Ummaddu ka fili karaan Masuulka hab-dhaqanka noocaasa leh??
 
Hadallada xanafta leh ee aan miisaanayn ee ka soo yeedhaya rag Siyaasiyiin ah oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI ee ay ku baaqayaan in Beesha Caalamku ay Somaliland u soo gurmato ama ay ciidamo u soo dirto, waa hadallo aan ku habboonayn xaaladda haatan lagu jiro. Waa hadallo gef, meel ka dhac iyo maan-gadba ku ah garaadka iyo rabitaanka Shacbiga karaamada leh ee Jam.Somaliland. Waa hadallo ay ka muuqato cadaawad iyo belo-afuuf kuwaasoo aan sinaba ugu adeeagayn nabadda, xasiloonida, danta iyo himilada guud ee Qaranka iyo shacbiga JSL. Hadallada naxliga wata ee ka soo yeedhaya qaar ka mid ah masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridku waxay halis ku yihiin nabadda, wada-noolaanshaha, karaamada iyo jiritaanka Qaranka. Waxa xaaraan ah in hadalladan Qaran-dumiska ah laga raadiyo fursad siyaasadeed oo Xisbal-xaakimka iyo Xukuumadda talada haysa lagu xag-xagto, lagu dhaleeceeyo ama lagaga aar-goosto.
 
Waxa dhici karta in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu is yidhi muranka Sharci ee ka dhex aloosan Golaha Wakiillada waxa kuugu jirta fursad siyaasadeed oo loo baahanyahay in laga faa’iidaysto. Laakiin, waxa xaqiiqo ah in Muranka Golaha ee uu Guddoomiye Cirro horseedka ka yahay ay waxyeello weyn oo siyaasadeed u geysan karto sumcadda iyo taageerada ay shacbigu u hayaan isaga iyo Xisbigiisaba. Dad badan baa waxay su’aalo iska weydiin doonaan Guddoomiye Cirro daacadnimadiisa, kartidiisa xallinta khilaafka, awoodda uu go’aano muhiim ah ku qaadan karo. Muranka ka dhex taagan Golaha Wakiillada, ujeeddo kasta oo uu Guddoomiye Cirro ka leeyahayba, waxa hubaal ah in arrintani ay shaki gelin doonto ku dhaca iyo hufnaantiisa Hoggaamiyenimo, waxana suurto gal ahin taageerayaal badani ay isku qancin doonaan in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI aanu weli u bislayn hanashada hoggaanka dalka ugu sarreeya.
 
Gebagabo:
Waxa nasiib-darro weyn ah in Hoggaanka iyo Saraakiisha sar-sare ee Xisbiyada Mucaaridku aanay ahayn kuwo garan kara, ku beraarugsan amaba miisaami kara muhimadda iyo macnaha uu leeyahay Xilka iyo masuuliyadda ay bulshada u hayaan. Xisbiyada Mucaaridku maaha kuwo qiyaasi kara saamaynta ay hadalladoodu iyo doodahoodu ku yeelan karaan bulshada ay codka ka doonayaan ee ay rabaan inay maalin maalmaha ka mid ah ay hoggaamiyaan. Xisbiyada Mucaaridku waxay Halbeeg iyo Min-qiyaasba ka dhigteen Caadifad, Nacayb Qabiil iyo mid shakhsi, fidmo iyo xaalad-abuur joogto ah oo Bulshada laga dhex wado.
 
Sifaha iyo san-saanka Siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridku waa mid aan marnaba u tudhayn, una adeegayn danta guud ee Ummadda iyo Maslaxadda Qarankaba, maadaama mudnaanta iyo muhimadda koowaad ee Xisbiyada Mucaaridku aanay ku salaysnayn danta guud ee Dalka iyo ta Dadka midnaba. Waxa kaliya ee ay ka fikirayaan waa dan shaqsi ama dan ku salaysan sidii maruun Reer-hebelnimo Hoggaanka Dalka loogu hantiyi lahaa.
 
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,
Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah
 
Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr)
 
Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply