“Dhakhaatiirtii Kalyuhu Waxay Noo Sheegeen In illaa 800 oo Qof Kalyaha Loo Safeeyay”

0
346

Hargeysa, (Dawan)- Guddi hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa wasaaradda caafimaadka iyo maamulka cusbitaalka guud ee Hargeysa ku bogaadiyay kor u qaadida iyo tayeynta balaadhan ee lagu sameeyay adeegyada uu cusbitaalku u qabto bulshada.

Guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtidu  oo shalay kormeer ku tagey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, iyagoo kormeerkooda kusoo maray qaybaha kala duwan ee uu cusbitaalka guud ka kooban yahay. 

Xoghayaha guddi hoosaadka joogtada ee golaha guurtida Siciid Cali Nuux ayaa wasaaradda caafimaadka iyo maamulka guud ee cusbitaalka guud waxa uu ku bogaadiyay sida fiican ee ay kor ugu qaadeen tayada adeegyada uu bulsahada siiyo cusbitaalku, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Haddaanu nahay xildhibaannada guddida joogtada ah ee golaha guurtida waxaanu kormeer ku nimi cusbitalka guud ee Hargeysa intii aanu u kuur-galaynayna xaaladda cusbitaalka waxaanu ku aragnay waxyaabo badan oo horumar ah oo lagu farxi karo. Dhakhaatiirtii ka hawl galaysay qaybta kalyuhu waxay noo sheegeen in ilaa 800 oo qof kalyaha loo safeeyay, markaa waxaanu wasaaradda caafimaadka iyo madaxda cusbitaalkaba ku bogaadinaynaa hawsha ay qaranka u hayaan.”

Agaasimaha cusbitalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar oo hadal kooban halkaas ka jeediyay ayaa waxa guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtida uga mahad-celiyay kormeerkan ay ku tageen cusbitaalka, “Xildhibaannada golaha guurtida gaar ahaan xubnaha ka socda guddida joogtada ah, haddaanu nahay maamulka guud ee cusbitaalka Hargeysa waxaanu idiinka mahad-naqaynaa inaad noogu timaadaan cusbitaalka weyn ee Hargeysa, si aad noola ogaataan xaaladda uu hadda ku sugan yahay.” ayuu yidhi agaasimuhu.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in cusbitaalka guud ee Hargeysa uu waqtigan marayo meeshii ugu fiicnayd, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Cusbitaalka guud ee Hargeysi hadda waxa uu marayaa meel aad u fiican, waxaana hadda aanu soo kordhinay qaybo badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin, qaybta CT Scan-ka oo ah qaybta baadhista oo ay joogaan dhakhaatiirtii aqoonta u lahayd iyo mishiinkii wadnaha.”

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa  Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar waxa uu sheegay inuu kor u kac baaladhini ku yimi adeegyadii uu cusbitaalku u qaban jiray bulsahada, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Runtii cusbitaalka waxa kor u kacay adeegii uu bulshada u qaban jiray sida, qaliinka, xaaladdaha degdega ah ee ku yimaada dumarka marka ay umulayaan, qaliinnada dadka madaxa dhaawacyadu ka soo gaadhaan iyo sifaynta kalyaha.”

Agaasimuhu waxa kale oo uu xubnaha guddida joogtada ah ee guurtida uu u sheegay inay jiraan dhismeyaal cusub oo laga hirgaliyay dhawaan cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Qaybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee Hargeysa ee ay xildhibaannadu soo kormeereen ayaa waxa ka mid ahaa qaybta gargaarka degdega ah, qaybta qaliinnada, qaybta baadhista, qaybta sifeynta kalyaha iyo qaybta daaweynta bukaannada oo dhamaantoodba ay si fiican uga socotay hawl maalmeedkii caadiga ahaa ee ay bulshada ugu adeegi jireen.

By : Jamaal C/raxmaan Macalin

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply