Qaar Ka Mid Ah Hadalo Ay Wasiiro Iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Ingirisku Ka Yidhaahdeen Shirkii Maalgashiga Somaliland Ee London

0
424

“Dawladda Ingiriisku waxay ku faraxsan tahay inay dhisto, kobcisana shirkadaha ganacsiga ee Afrika oo aan laga reebayn Somaliland”….. Mr. James Duddridge Wasiirka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska
 
Waxaynu halkan kusoo qaadanaynaa hadalo aad u qiimo badnaa oo ay masuuliyiinta dalka Ingiriisku ay ka yidhaahdeen shirkii maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay magaalada London, waxaanay masuulyiintani kazoo saareen warsaxaafadeed kaas oo ay ka mid ahaayeen hadaladani:
Kaaliyaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska (UK Foreign Office Minister) Mr. James Duddridge oo shirka hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in dawladdiisu ka shaqayn doonto sidii mustaqbal iftiimiyaha loogu dhisi lahaa dadka reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Dawladda Ingiriisku waxay ku faraxsan tahay inay dhisto, kobcisana shirkadaha ganacsiga ee Afrika oo aan laga reebayn Somaliland. Waxaannu doonaynnaa in aannu isku xidhno awoodaha, rajada iyo xooga mishiinka ee dadka Somaliland, taasna waxaannu u doonaynnaa in aannu abuurno degaan ganacsi oo soo jiita maalgashiga, kaasoo sidoo kale dhiirrigelin u ah rajada ifaysa ee Somaliland in lagu noolaado ah iyo in taasi keento iyo dadka ka maqana ku laabtaan Somaliland.”
Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK Mrs. Lynne Featherstone, ayaa iyaduna caddaysay in dawladdeedu ka shaqaynayso sidii meesha looga saari lahaa ku-tiirsananaanta Somaliland ee gargaarka iyo lacagaha dibadaha laga diro, loona abuuri lahaa maalgashi iyo fursado ganacsi.
“Ganacsigu waxa uu noqon doonaa xuddunta kocoba iyo horumarka Somaliland, kaasoo mar horeba ka hirgalay Hargeysa, iyagoo dadku bilaabay inay abuuraan ganacsiyo cusub iyo meherado dukaanno ah, kaasoo ku hirgalaya maalgashi. Ganacsiga iyo shaqooyinku waxay hoos u dhigi karaa in Somaliland ku tiirsanaato gargaarka iyo lacagaha dibadaha laga soo xawilo, dadkuna waxay doonayaan inay si iskood ah u xoogsadaan si ay faqiirnimada uga baxaan. Dadku waxay doonayaan inay sharaf ku noolaadaan, taasoo ku iman karta shaqo-abuur iyo inay masruufaan qoysaskooda, markaa dadka reer Somaliland iyo shirkadahooda ganacsiguba taas kama duwana, sharaftaas oo kale inay haystaan ayeyna doonayaan,” ayey tidhi Mrs. Lynne.
Dhinaca kale, waxa warsaxaafadeedkaas muujiyey in xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriisku aad u xoogaysanayo, iskuna soo dhawaanayo, isla markaana Boqortooyada Britain xafiis ka furatay Hargeysa sannadkii 2012.

Leave a Reply