Dhacdooyinka tuugada ah ee ay qaadan tuugta dalka Maraykanka ayaa ah kuwo aad u yaab badan, waxaana soo baxday in nin tuug ahi magaalada NewHampshire ee dalka Maraykanka usoo xidhay sawirka wejiga madaxweynaha Maraykanka Obma isla markaana uu shirkad kaga xaday alaabooyin qaali ah. Tuugan ayaa watay gaadhi aan lahayn Number. Booliiska ayaa sheegay in tuugadani dhacday maalintii khamiista. Waxaana ay sheegeen in la baadhayo tuugan iyadoo la raad raacayo dukumaada iibiya wejiga macmalka ah. Booliiska ayaa sheegay inay hayaan dhawr kiis oo ah Tuug xidhatay sawirda wejiyada dadka caanka ah kuwaasi oo ay shirkadaha alaabooyin kaga xadaan.