Warbixin ka Digaysa isbedalka cimilada Adduunka

0
528

Isticmaalka aan xadidnayn ee shidaalka aan nadiifta ahayn ayaa lagu baaqay  in loo  joojiyo si dhaqso ah si looga hortago isbadal cimilo oo khatar ah.
Warbixin cusub ee isbadalka cimilada oo ay soo saartay kooxda IPCC ee Qaramada Midoobay ay taageerto ayaa sheegtay fariintan.
IPCC ayaa ku dooday in marka la gaadho 2050 in inta badan korontada laga isticmaalo adduunka in laga dhalin karo hab karbon yar leh.
Shidaalka patroolka, gaaska, dhuxusha ee aan lahayn teknolojiyada lagu kaydiyo karbonka (Carbone cupture storage (CCS) ayay sheegaysaa warbixintu  in la joojiyo dhamaantiis markii la gaadho 2100..
Warbixinta ayaa lagu soo saaray magaalada Copenhagen, ee Denmark, kadib toddobaad markii ay ka doodayeen saynisyahanada iyo masuuliyiin ka socda dowladaha.
Warbixinta ayaa sheegaysa in adduunka ay ku soo socoto saamayn aan waxba laga qaban karin oo qatar ah hadaan wax laga qaban karbonka.
Sida korontada loo dhaliyo, waa in laga tagaa isticmaalka dhuxusha laga dhaliyo korontada oo loo gudbaa siyaabaha kale ee karbonka uu ku yar yahay sida Nukliyeerlka iyo tamarta nadiifka.
Warbixinta ayaa ku talinaysa in tamarta nadiifta ah ay ka kororto 30% oo hadda ay tahay oo ay gaadho 80% markii la gaadho sanadka 2050.
Wadahadalka isbadalka cimilada.
Waqtiga fog warbixinta ayaa sheegatay “saldhigyada korontada ee ku shaqeeeya patroolka, gaaska iyo dhuxusha ee aan lahayn teknolajiyada CCS ee kaydisa karbonka, waa in la joojiyaa sanadka 2100”.
Siyaasiyiinta waxay ku heshiiyeen in korodhka 2C ay tahay heerka ugu sareeya khatarta. Warbixinta IPCC ayaa faahfaahisay siyaabo badan oo lagu hayn karo korodhka 2C heerkaas marka la gaadho dhamaadka qarniga.
Waddamada waxay u baahan yihiin inay si dhaqso ah ay u hirgaliyaan, laakiin ku dhawaad waxaa loo arkaa in karbonka hawada galaya la joojiyo sanadka 2100.
“Ma awoodno inaan sii wadno isticmaalka shidaalka saliida, gaaska iyo dhuxusha iyadoo aan laga qaban wasaqda ka dhalata sida CO2 iyo iyadoon hawada aan lagu sii dayn,” ayuu sheegay Prof Myles Allen oo wax ka dhiga Jaamacada Oxford, kana mid ah kooxda IPCC ee wax ka qoray warbixinta.
“Hadii aanan la heli karin teknolajiyada karbonka kaydisa ( CCS – carbon cupture storage) oo ka hortagta in hawada uu galo waa inaan joojinaa isticmaalka shidaalka saliida,gaaska iyo dhuxusha hadaan doonayno inaan joojino isbadalka cimilada ee khatarta ah, taasina waa fariin cad oo ka imaanaysa warbixinta IPCC.”
Hadalka cad ee mustaqbalka shidaalka saliida, gaaska iyo dhuxusha ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka ololeeya.
“Waxaa la sheegay waa inaan gaadhno in joojiyo karbonka hawada galaya, taasna waa wax cusub”, ayay sheegtay Samantha Smith oo ka socota WWF.
Mida labaad oo ay sheegeen ayaa waxa ay ku doodayaan in  la awoodo iyada  oo  aan dhaqaalaha wax u dhimayn.
 

Leave a Reply