Millitariga Burkina Faso oo loogu Baaqay inay Talada Wareejiyaan

0
363

Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika ayaa ku baaqay in Hogaamiyeyaasha Millitariga ee hadda maamulaya wadanka Burkina Faso in ay talada ku wareejiyaan shacabka ama ay wajihi doonaan cawaaqib xun.
Telefishanka dawladda ayaa la sheegayaa inuu hawada ka baxay kadib markii ay ciidamada rasaas ku  fureen xaruntiisa, taasi oo ku qasabtay mudaharaadayaashii iyo suxufiyiintii in ay kala yaacaan.
Dibad-baxayaal ayaa mar hore  isugu tagay bartamaha caasimadda Burkina Faso, ee Ouagadougou, si ay u dhigaan bannaanbax ka dhan ah ciidamada oo awoodda la wareegay.
Waxay naaneys uga dhigeen fagaaraha bartamaha magaalada “fagaaraha kacaanka”.
Xisbiyada mucaaradka ayaa dalbanaya in bulshada rayadka ah ay hogaamiyaan dowladda ku meel gaadhka ah illaa laga gaadhayo xilliga doorashooyiinka madaxtinimada dalkaasi.
Wakiilka UN ee Burkina Faso Mohamed ibn Chambas, ayaa taageeray dalabka mucaaradka, wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay ka fogaaneyso in cunno qabateyn la saaro dalkaasi.
Sabtidii ciidammada xoogga dalka Burkina Faso ayaa Colonel Isaac Zida, u magacaabay inuu yahay hogaamiyaha ku meel gaadhka ah ee dalkaasi kaddib Mudaaharaadyadii meesha ka saaray Madaxwaynihii xilliga dheer wadanka hogaaminayay ee Blaise Compaore.
Loolan ayaa dhexmaray ciidamada ninka talada qabanaya iyada oo uu hore u sheegay inuu la wareegay xukunka taliyaha ciidamada , balse mar danbe lagu qasbay inuu saxeexo inuu xukunka qabto korneyl Isac Zida.
Wadanka Maraykanka ayaa cambaareeyay iskudeyga militariga oo ay ku sheegeen in ay doonayaan inay dadka shacabka ah ku soo rogaan waxa ay iyagu doonayaan.
 

Leave a Reply