Qalalaasaha Ukraine iyo Codaynta Maranka Dhalisay

0
395

Madaxweynaha Yukrayn  Petro Poroshenko ayaa amray in ay ciidamadu xoojin ku sameeyaan magaalooyinka muhiimka ah ee bariga iyo koofurta dalkaasi iyada oo laga taxadirayo weerar ka yimaad fallaagada.
Mr Poroshenko ayaa yidhi waa in ay ciidamadu ilaaliyaan   magaalooyinka Mariupol, Berdyansk, Kharkiv iyo waqooyiga gobolka  Luhansk.
Waxa uu hadalkan jeediyay kadib kulan uu la yeeshay saraakiisha ammaanka iyada oo laga shidaal qaadanayo xiisada ka soo cusboonaatay  doorashada  mranka dhalisay ee goobaha fallaagadu haysato ee  Donetsk and Luhansk.
Dhinaca kale Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko, ayaa sheegaya in xukuumadiisa ay ka fiirsanayso heshiiska ay la gashay kooxaha taageersan Ruushka ee ku sugan bariga dalka, kaddib doorashooyinkii bariga ka dhacay Axadii.
Hadal uu ka jeediyey telefishenka ayaa Madaxweynaha waxa uu ku sheegay in haatan uu ka fikirayo in uu dib ula noqdo xuquuq gaar ah oo la siiyey qeybaha goonida isu taagay, iyadoo arrintaasi ay qeyb ka ahayd heshiiskii nabada ee la gaaray Bishii septembar.
Waxa uu sheegay in uu kulan la yeelan doono maanta talaada ah madaxda ammaanka ee Ukraine.
Waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka ayaa sheegaysa in aanay aqoonsan doonin natiijada doorashooyinka ay qabteen falaagada Bariga dalka Ukraine.
Jarmalka ayaa horay u sheegay in uu ka fiirsanayo in uu cunaqabateen cusub ku soo rogo Ruushka kaddib markii Ruushka uu taageeray doorashada ay qabteen falaagada Axadii.
Afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibeda oo la yiraahdo Jen Psaki ayaa digniin u dirtay Ruushka, balse ma aanay cadeyn talaabada uu Maraykanka qaadi doono.
 

Leave a Reply