Maraykanka iyo Doorashada Xiliga Dhexe

0
378

Amerikaanka ayaa u codeynaya doorashooyinkii xilliga dhexe kuwaasi oo go’aamin doona cidda hoggaaminaysa aqalka senate-ka, waxaanay taasi waddada u sii xaadhaysa tartanka doorashada 2016 ee Aqalka cad.
.Doorashadan ayaa  loo arkaa  in ay isbadal ku keeni doonto awoodda xukuumadda Washington.
waxaa loo codayn doonaa in kabadan saddex meeloodow meel kuraasta aqalka Senate-ka.
Xisbiga Repuplicanku waxa uu rajaynayaan in ay ku guulaystaan lix kursi oo horleh si ay aqlabiyad u noqdaan.
Tafatiraha BBC-da ee waqooyiga Ameerika waxa uu leeyahay arrintani waxa ay sii kordhinaysaa ismariwaaga siyaasadeed ee Maraykanka ka jirtay labadii sano oo uu xilka hayay Madaxwayne Obama tan iyo mar kii labaad ee la soo doortay.
Waxaa loo tartami doonaa dhamaan kuraasta aqalka wakiilada.
Codadku waxa ay tilmaamayaan in xisbiga Republican-ku ay guulo dheeri ah hanan doonaan.
 

Leave a Reply