Wasiirka Warfaafinta Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Guddida Jidka Dawga Cad

0
381

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliand, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shalay qado sharaf u sameeyay Guddida dhismaha jidka isku xidhaya Sallaxley iyo xubno ka tirsan qurbo jooga degmadaasi ka soo jeeda ee dalka ku sugan.
Xafladaasi oo lagu qabtay Hargeysa  waxa ka soo qeyb galay Wasiir Ku xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badda, Guddoomiye Ku xigeenka Guddida dhismaha jidka isku xidhaya Sallaxley iyo Hargeysa Sh, Maxamed Cali Geedi, Xoghayaha Guddida jidkaas Faysal Cayuun,  Cuqaal iyo xubno ka tirsan qurbo-jooga reer Somaliland.
Cali Elef iyo Axmed Muxumed Weli oo ku hadlayay magaca jaaliyadda beelaha Ciidagalle ee Gadar ku dhaqan oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Wasiirka Warfaafinta, waxaanay sheegeen inay hore u bixiyeen dhaqaalihii ay wadada kaga qeyb-galayeen, imikana diyaar u yihiin inay sii wadaan qaadhaanka ay kaga qeyb qaadanayaan taabo-galinta Jidka.
Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay  Xasan Yuusuf Ducaalle oo ku hadlayay jaaliyadda Canada iyo Aabi Jaamac Xujaalle oo isna metalayay jaaliyadda Ingiriiska, waqxaanay balan-qaadeen inay kaalin weyn ka geysan doonaan dhismaha jidka Dawga cad oo ay tilmaameen inuu yahay mid ka mid ah qoddobada horumarinta ee deegaankaasi wado. Waxaanay bogaadiyeen Guddida horumarinta ee beesha iyo guddida dhismaha jidka Sallaxley oo ay sheegeen inay labaduba dedaal weyn muujiyeen. Waxgaradkaasi waxa kale oo ay xuseen inay xukuumadda Siilaanyo ku ammaanayaan kaalinta ay ka geystatay dhismaha wadada iyo horumarinta degmadda Sallaxley.
Guddoomiye Ku xigeenka wadada dawga cad ee Sallaxley Sh. Maxamed Cali Geeddi iyo Wasiir Ku xigeenka Kalluumaysiga  Md. Cabdikariim Axmed Mooge oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Wasiirka Warfaafinta hadhimo sharafeedkaas uu u sameeyay iyo sida uu mar walba u dhinac taagan yahay horumarinta deegaanka Sallaxley.
Ugu dambayn waxa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in beesha deegaanka Sallaxley Iyo xukuumadda Somaliland isku Billi yihiin, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawladaha iyo dadku waa kala billi, innagu dawladdan isku billi ama xidig ayaynu nahay. Waxaan markhaati u hayaa dawladdan ka hor in aynu Sallaxley dhakhtar ka samaysanno maynaan kari Karin,dawladdan ka hor inaynu wadada cad dhisanayno oo aynu halka aad ogtihiin marinayno maynaan kari Karin. Dawladdan ka hor in iskuulka Boodhinka ah ay ka qeyb qaadato oo ay bixiso kharashkii macalimiinta ee Ururka Gaaroodi bixin jiray ilaahay ha ka raali ahaadee intay la wareegtay kharashkii macaliinta bixinaysa  maynaan arag dawladan horteed.”
“Markaa la Billi ayaynu nahay dawladdan,illeen wixii waa la eegaaye, ta kale waa markii u horraysay ee xaafadeenna laga dhiso wasaarad, waayo xarun wasaaradeed lagama dhiso meeshaba, balse imika xaruntii wasaaradda duulistu waa halkan. Markaa waxaan leeyahay isku xidig ayaynu nahay dawladdan,”ayuu intaas raaciyay Wasiirka Warfaafintu,
 
Wasiirku waxa ammaanay Guddida dhismaha Jidka dawga cad, waxaanu qurbo-jooga ugu baaqay inay kaalin weyn ka geystaan dhismaha jidka Sallaxley.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply