“Shirkii Brussels Fikirkii La Iskula Qaatay In Ficil Loo Rogo Muddo Ayay Qaadanaysaa”

0
375

Hargaysa (Dawan): Shir lagu qiimaynayo waxyaabaha ka hirgalay lacagihii iyo mashaariicdii Somaliland u gaarka ahaa ee  shirkii sanadkii hore ka qabsoomay magaalada  Brussels lagaga yaboohay   ayaa maalintii saddexaad ka socda Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.
 
Shirkaasi oo uu Isniintii furay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka mid ah shirar taxane ah oo sanadkiiba laba jeer la qabto, kaasi oo ay   ka soo qaybgalay dawladaha iyo hay’adaha qaadhaan bixiyeyaasha, dawladda Somaliland, ururadda bulshadda rayidka iyo ganacsato.
 
waxaan shirkaasi inta uu socdo lagu falanqayn doonaa waxyaabaha ka hirgalay mashaariicda ay qaadhaan bixiyeyaashu ka taageeraan Somaliland iyo waxyaabaha loo baahan yahay in wax laga qabto mustaqbalka.
 
Wasiirka qorsheynta qaranka iyo horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,   ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkaasi iyo waxyaabaha lagaga hadlayo iyo sidoo kale hay’adaha ka soo qayb galay,waxaanu yidhi “Shirkani waxa uu ka mid yahay shirar taxane ah oo sanadkiiba la qabto laba jeer,  kii hore waxaanu qabanay bishii Juun ee sanadkani, kana imika ayaanu qabanay shirarkaasi waxaa isugu yimaada wadamadda  iyo hay’adaha deeqaha bixiya iyo dawladda Somaliland, ururada bulshada iyo ganacsataduna way ka soo qaybgalaan. shirkani waxa lagaga hadlayaa waxyaabo badan, laakiin nuxurkiisa ama tiir-dhexaadkiisu waxa weeye ka warbixin, wixii ka qabsoomay intii ka dambaysay shirkii Brussels, khaasatan mashaariicda u gaarka ah Somaliland iyo waxyaabaha loo  baahan yahay in la qabto mustaqbalka”.
 
Wasiirka oo la waydiyay in ay  Somaliland soo gaadheen  iyo in kale lacagihii  loogu yaboohay shirkii Brussels ee new Deal,  waxa uu ku jawaabay “Shirkii kal hore ka dhacay Brussels fikir ayaa la isla qaatay, dabcan in fikirkaasi la bisleeyo oo ficil loo bedelo muddo ayuu qaadanayaa, diyaargarow badan ayuu u baahan yahay, diyaar garowgaasi ayaana lagu jiray, waxyaabihii ka soo baxay waxa aka mid ah in saddex sanduuq la abuuro, mid hoos yimaada Jamciyadda quruumaha ka dhexaysa mid hoo syimaada baanka aduunka iyo mid maamulkiisu hoos yimaado baanka Afrika, markaa sanduuqyadaasi abuurkoodii aya ailaa hadda lagu jiray, markaa wixii imika ka dambeeya waxaanu filaynaa sidii loo istimcaali lahaa wixii lacag ah ee sanduuqyadaasi lagu soo shubay” ayuu yidhi Wasiirka oo shalay u waramayay laanta af-Soomaaliga ee BBC-da.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply