Xaruntii Ganacsiga Adduunka oo Dib loo Furay

0
384

In ka badan 13 sanno kadib markii dhismayaashii xaruntii ganacsiga adduunka ay ku burbureen weerarkii 9/11, xarunta ayaa mar kale dib loo furay.
Shaqaalaha shirkada Conde Nast ayaa ugu horeeya iyagoo degay dabaqa 104 ee xarunta ganacsiga adduunka.
Waxaa ku baxday lacag dhan $3.8 bilyan waxayna qaadatay dhisideeda siddeed sanno, waana daarta ugu dheer Maraykanka. Dhismaha ayaa 60% la kiraystay.
“Cirka New York ayaa dhamaystiran mar kale” Patrick Foye, agaasimaha Port Authority, oo ah shirkada leh dhismaha ayaa qoraal ku sheegay.
Daarta oo dhererkeedu yahay 1,776ft ama 541m ayaa ku taala bartamaha, iyadoo ka mid ah dhismayaal lagu xusayo dadkii ku dhintay weerarka iyo matxaf oo sanadkan la furay.
Mr Foye ayaa hadalkiisa ku daray inuu dhismaha yahay xafiisyada ugu aaminsan Maraykanka.
Ilaa 170 shaqaale ka tirsan shirkada Conde Nast ayaa u soo guuri doono dhismaha toddobaadkan, iyagoo qaadan doono shan dabaq. Ilaa 3,000 oo shaqaale dheeraad ah ayaa ku soo biiri doona sanadka 2015.
Sidoo kale waxaa kiraystay shirkada Kids Creative iyo GSA.
 

Leave a Reply