Saylici Oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Loo Bineeyay Laanta Dambi-baadhista Booliska

0
455

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay  xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay laanta dani-baadhista ciidamadda booliska ee CTU.
Dhismahani oo ay maalgelisay dawladda Ingiriiska ayaa munaasibadii xadhiga lagaga jarayay waxaa ka soo qaybgalay wasiiradda wasaaradaha maaliyada, madaxtooyadda, taliye ku xigeenka ciidamada booliska, taliyahay laanta danbi-baadhista iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Britain oo booqasho ku jooga Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu amaanay  dawladda UK doorka fiican ee ay ka qaadato horumarka Somaliland gaar ahaana dhinaca amaanka.C/raxmaan Saylici ayaa u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka ah in la ixtiraamo ciidamada amaanka.
Isagoo arrimahaasi ka  hadlayayna   waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriisku waa dawlada inoogu waxqabadka badan ee ina taageerta, ama inoogu dhaw beesha caalamka, taasina waxay ka turjumaysaa xidhiidhka  inaga dhexeeya oo muddo dheer aynu lahayn ilaa wakhtigii  aynu xornimada ka qaadanay waxaad moodaa in lagu ilaaqtamo  ama xisbiyadda mucaaridka ahi ay mar walba dhaleeceeyaan ciidamada RRU-da ama SPU-da in ay dadka dhibateyay umada reer Somaliland halkana uga cadaynaynaa in aanay ciidamadaasi hawshii loo tababaray  oo  ah ilaalinta amaanka waxaan ahayn qabanin, oo aanay cidna dhibaataynin”.
 
Taliye  ku xigeenka ciidamadda booliska C/raxmaan Liibaan Fooxle, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay maalgalisay dawladda Ingiriisku, isla markaana ay tababar iyo qalabayn u fidisay ciidamadda CTU, oo ah ciidamo loo tabobaray baadhista danbiyadda, waxaanu yidhi “laanta baadhista danbiyadda ee ciidanka booliska baahi weyn ayay u qabtay in ay hesho dhismahani  iyo qalabkiisa, dawladda Ingiriiska ayaana maalgalisay dhismahani, waxa kale oo ay dawlada Ingiriisku noo tabobareen muddo 2 sano iyo badh ah ciidamadda  danbi baadhista, oo isugu jira saraakiil iyo sarkaal ku xigeeno”.
Sidoo kale Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka  hadlay ayaa u mahad celiyay dawladda Ingiriiska  oo uu sheegay in ay taageero dhinacyo badan leh siiso Somaliland, waxaanu wasiirku ciidamadda CTU ee baadhista danbiyada u soo jeediyay inay qaranka uga faa’iideeyaan tabobarkii la siiyay “Dawladda Ingiriisku waxay hore uga shaqeeyeen meelo kala duwan oo xagga amaanka ah ayay wax ka qabteen,  ciidamadda RRU-da ayaay tabobareen, SPU-da ayay tababareen, CTU-da ayay tabobareen, waxyaabahasi oo dhami waa kuwo xagga amaanka ah oo ay inagala shaqeeyeen, sidoo kale waxay dawladda Ingiriisku gacan inaga siiyeen Akaademiga Milateriga ee Dararweyne, ciidamada kala duwan ee halkan loo tabobaray iyo kuwa kaleba waxaanu leenahay aqoontiina uga faa’iideeya dalkiina”.
Wasiirka maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u soo jeediyay ciidamadda CTU inay sida saxda ah ugaga faa’iideeyaan bulshadooda waxyaabihii loo tababaray.
 
Dhinaca kale  waxaa halkaasi iyaguna hadalo ka soo jeediyay masuuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Britain, waxaanay xubnahaasi si aad ah ugu dheeraadeen xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska gaar ahaana doorka ay dawladda UK  ka qaadato horumarinta Somaliland.
By: Khadar  Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply