WADDANI Oo Dan Mooday Inuu Dhalinyarada Qabyaalad Ku Kala Qaybiyo

0
400

Marka koowaad Mahad iyo amaanba dhamaantood waxaa leh Allaah SWT, marka labaad waxaan hambalyo iyo bogaadin u jeedinaynaa dhalinyarada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. intaa ka dib dhalinyaradu   waa qaybta ugu balaadhan bulshada reer Somaliland,  waxaanay door muhiim ah ku leeyihiin  arimaha kala gedisan  ee dalkooda  ka jira  oo dhan, sida arrimaha la xidhiidha dhinacyada siyaasada, shaqada, waxbarashada, amaanka iyo guud ahaanba hawlaha kale ee arimaha bulshada khuseeya.
Hase ahaatee waxaynu ogsoonahay  in xukuumadahii kala duwanaa ee Somaliland soo maray  laga soo bilaabo 1991-2010  aanay  midkoodna dhalinyarada reer Somaliland   ka helin  wax tixgelin ah, iyo saami u qalma oo la xidhiidha  dhinacayada  maamulka iyo talada siyaasadeed ee wadanka. Taasoo macnaheedu yahay in aanu jirin  wax cod ah iyo wax door ah oo ay dhalinyaradu ku lahaayeen goleyaasha kala duwan ee lagaga arinsado, isla markaana lagu gooyo go’aamada kala duwan  ee mustaqbalkooda iyo noloshooda dhaqan dhaqaaleba.
Waxaase nasiib wanaag  iyo Illaahay ah in  Madaxweynaha hada xilka haya ee Jamhuuriyadda Somaliland  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu markii ugu horeysay ee uu talada dalka qabtayba la yimid siyaasad cusub  oo ka duwan siyaasadihii ay dalka ku hogaamin jireen Madaxweyneyaashii isaga ka horeeyey. Isla markaana ah siyaasad  hogaamineed oo ku salaysan korinta iyo gacan qabashada dhalinyarada reer Somaliland.  Sidaas aawadeed  Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isaga oo  arintaas ka duulaya waxa  uu ku dhaqaaqay inuu dhalinyada ku dhiiri geliyo ka qayb galka maamulka iyo talada siyaasadeed ee dalkooda, waxaanu xukuumadiisii ugu horeysay ee uu soo dhisayba dhalinyarada reer Somaliland ka siiyey saami aad u weyn oo u qalmayey run ahaantii.
Waxaanu xilal iyo masuuliyado waaweyn u dhiibay dhalinyaro faro badan oo aan weligeed da’dooda oo kale hore  lagu eegin in ay  wax xil ah qabtaan. Macnaha  arintaas ka danbeeyey uu Madaxweynuhu uga dan lahaana  waxa uu ahaa in ay xukuumadiisu  abuurto jiil cusub oo ah dhalinyaro maanta iyo mustaqbalkaba Qaranka  hogaamin kara, ummadiisana horumar iyo badhaadhe u horseedi kara iyo waliba inay dhalinyaradaasi tusaale iyo hiigsi fiican u noqdaan dhalinyarada ka danbeysa.
Sidoo kalena siyaasada hogaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo waxa ay meesha ka saartay wixii sharuuc iyo carqalado ahaa ee hortaagnaa da’da ay dhalinyaradu ka qayb geli karto talada siyaasadeed ee dalka oo markii hore (35) jir, waxaanu  Madaxweynahu suurto-geliyey sharciyo cusub oo tilmaamaya in da’ahaan dhalinyaradu (25) jir kaga qayb geli karaan maamulka dawladnimo iyo goleyaasha kala gedisan ee lagu jaangooyo talada siyaasadeed ee dalkoodaba.
 
Hadaba baryahan danbe waxa soo baxay rag waaweyn oo weliba siyaasiyiin sheeganaya, kuwaas oo inta ay siyaasadii ku guuldaraysteen  miciin mooday inay dhalinyaradii wadanka siyaabo khaldan u  adeegsadaan,  iyada oo aad maalin kastaba  arkayso nimankaasi iyaga  oo shirinaya  koox dhalinyaro ah oo weliba aad u da’ yar,  oo ay  ku soo urursadeen qaab aad u xun oo qabyaalad iyo kala qaybin ku salaysan. Ka dibna ku tilmaamaya in ay yihiin urur dhalinyaro ah, oo hebel iyo xisbi hebel taageersan, una samaynaya summado gaar ah iyo magacyo kala duwan oo looga dan leeyahay in dhalinyarada lagu kala geeyo.
Magacyada noocaas ah iyo ururada dhalinyaro ee mudooyinkan dambe nimankaas siyaasiyiinta sheeganayaa sameeyeena waxaa ka mid ah oo aynu ka xusi karnaa, ururka  DHALIYARADA EE JIDAALI, URURKA DHALINYARADA EE DALLO, URURKA DHALINYARADA EE GURMAD IYO URURKA DHALIYARADA MAGAADADA, Kuwaas oo runtii ah wax aad looga yaq yaqsoodo,  ayaa dhinaca kalena waxa ay muujinayaan diciifnimada iyo siyaasad xumada nimankaas siyaasiyiinta isku sheegaya ee doonaya inay dalkan madax ka noqdaan. Su’aasha is weydiinta lihise waxa ay tahay nimanka noocaas ah ee
maalin kasta  dhalinyarada ku dhiirigelinaya  inay samaystaan ururo qabiil   ma hogaamin karaan dalkan iyo dadkiisa …?!
Siyaasiyiinta ku sifoobay habdhaqankaas gurracan   ee aynu soo xusnay, hadii aynu farta ku fiiqnona qaarkood , waxaa jira oo aynu tilmaami karnaa
rag ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, oo halkii laga filayey in ay u soo bandhigaan shacbiga ay codka iyo kalsoonidaba ka doonayaan mabaa’dii siyaasi ah iyo qorsheyaal cad cad oo ummaddu ku dooran karto, isla markaana ah kuwo ka turjumaya barnaamijyada horumarineed ee ay Xisbi ahaan dalka wax kaga qaban doonaan. Ayaa markii ay arimahaas ku fashilmeen, wax ummadu ku raacdona waayeen, waxa ay dan moodeen oo ay mabda’ iyo barnaamij siyaasadeed ka dhigteen in ay  dhalinyarada da’ yarta ah u horseedaan, kuna jiheeyaan waxyaabo naxli iyo xumaan ah, oo dib u dhac ku keenaya noloshooda iyo mustaqbalkoodaba. Tusaale ahaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga WADDANI waxa ay  si cad  oo aan qarsoodi ahayn dhalinyarada reer Somaliland ugu dhiirigeliyaan  in ay  isu urursadaan beel, beel, reer reer iyo jufo jufo ka dibna  samaystaan ururo qabyaalad ku dhisan oo magacyo beeleed huwan.
Sida aynu ka war qabnona Xisbiga WADDANI ururada qabyaaladeed ee uu dhalinyarada u samaynayo hirgelintooda waxa uu ku bilaabay  dhalinyarada ay isku beesha yihiin Guddoomiyaha Xisbagaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaas oo ay u sameeyeen dhawr urur oo dhamaantoodba qabyaalad ku binaysan, magacyo reerna sita. Ururadaas qabyaaladaysan ee uu Xisbigaasi  dhalinyarada u sameeyeyna waxaa ka mid ah kuwa aynu beryahan dambe magacyadooda warbaahinta ka maqalo ee sheega in ay degmada Cadaadley shir beeleed ugu qabanayaan dhalinyarada reer Somaliland oo dhan.  Waxaase nasiib wanaag ah in dhalinyarada reer Somaliland maanta ka dheregsan yihiin, oo ay ka war qabaan dadka noocaas ah  ee doonaya inay mustaqbalkooda god madow ku ridaan.  Kuwaas oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Cirro oo ah ninka isagu dhabarka soo taabtay dhiibay shir beeleedkan ay ku baaqayaan fikradiisa.
Si kastaba ha ahaatee waxaanu leenahay dhalinyarada reer Somaliland ma geyaan qabyaalada iyo kala qayb qaybinta laga dhex wado ee ha laga daayo, dhalinyada  laf ahaantoodana waxaan u soo jeedinayaa in ay ka fogaadaan, oo aanay dhegaysan kuwa  aan nasteexooda ahayn ee qabyaalada ku kala qoqobaya.  Meelna ha uga soo wada jeestaan cid kasta oo doonaysa in ay dhalinyarada midnimadooda iyo wadajirkooda bur buriso iyo kuwa dabada ka riixayaba.
 
 Wa billaahi towfiiq

Abdirahman Osman
Hargeysa Somaliland

Leave a Reply