“Waxaa La Inaga Sugayaa In Aynu Soo Saarno Dadka Reer Somaliland Wixii Ay Cuni Lahaayeen.” Wasiirka Wasaaradda Beeraha.

0
378

Aburiin(Dawan): Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole,ayaa sheegay in beeralayda dalka  looga   in ay soo saaraan dhamaan cuntooyinka ay u baahan yihiin bulshadu isla markaana ay tacab badab geliyaan beerahooda.

Wasiirka  Beeraha  waxaa uu sidaasi  ka sheegay hadal uu ka jeediyay  tababar  uu shalay u  furay xubnaha  tababareyaasha  beeralayda dalka oo aqoon korodhsi looga furay Xarunta Cilmi baadhista iyo daraasadaha ee Wasaarada Beeraha  oo ku taalla  deegaanka Aburiin ee gobolka Maroodijeex.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 14 cisho ah,ayaa loogu talo galay in ay ka soo baxaan macalimiin wax barta beeralayda deegaamadda ay ka kala yimaadeen xubnahaasi   yimaadeen, waxaana ka qayb gelaya   31 Xubnood oo  ka   kala socda goboladda Togdheer,Saaxil, Maroodijeex,Gabiley iyo Awdal.

.

Sidoo kale waxaa furitaankii tababarkaasi ka soo qayb galay  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax,Madaxa Hay’adda FOA  ee Somaliland Dario iyo qaar ka mid ah ardayda waxbarashadan labada todobaad ah loo furay.

Prof.  Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlay furitaankii tababarkan,ayaa ka waramay ahmiyadda ay u leedahay dalka  in beeralayda Somaliland aqoontooda  kor loo qaado isla markaana wax la baro taasi oo uu sheegay in ay tahay ta keliya ee ay beeralaydu wax  ku soo saari karaan korna ugu qaadi karaan wax soo saarka dhanka beeraha.

 waxaanu ku dheeraaday in loo baahan yahay  in dadka reer Somaliland  la soo baxaan wixii ay cuni lahaayeen. Waxaanu yidhi “Waxaa inagu waajib ah oo xil inaga saaran yahay in aynu soo saarno  cuntaada ay cunayaan dhamaan dadka reer Somaliland oo dhan taana  dibada kama keenano oo dal kale kama soo dejinayno ee waxaa la inaga sugaaa in anu ka soo saarno beeraheenna,waana midda kalia ee aynu doonayno in aynu gaadhno.”

Waxaanu intaa ku daray  wasiir  Geedoole,  “Waxaan Haysanaa suuq aad u weyn oo ah Somaliland oo dhamaan dadkeedu waxa ay cunaaan oo dhan dibada looga keeno waxaana loo baahan ahay in aynu suuqaa kula tar tanno dadka beeralada ah eek u dhaqan wadammadda urub,Eeshiya iyo Afrika ee imika wax kastaba keena,waxaana habboon in aan la inooga dheerayn suuqa dalkeena,waxaa anu soo saarano ee ay dadkeenu cunayaan bilaash kuma bixinayno waynu ka iibinaynaa hadaba wax la qaadan karo maaha in anu dayacno suuq dalkeenii ah oo beeralay jayna iyo meelo ka fog fog joogtaa a ka shaqaysanayso taana waxaa loo baahan yahay in aad diaar u ahaataan” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka Beeruhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay  u jeedada tababarkaasi  iyo waxa looga baahan ahay kooxda  loo furay tababarkaasi. Waxaanu yidhi “Waxaad og tihiin ajarka ay leedahay macalinnimadu waxaana lagu helaa abaal xagga alle ah oo aad u weyn qofka qof wax baraana waxaa uu mutaa in ardagiisu mar kasta oo uu ducaysanayo  u duceeyo macalinkiisana markaa waxaa idinku waajib ah in aad goboladda aad ka timaadeen dhamaantiin  marka aad ku noqotaan aad cilmiga aad barateen aad gaadhsiisaan wasaarad ahaana waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanaan halkaa idinkaga hadhin ee aanu wax kasta oo awoodayada ah in aanu idinka qabano ,waxaa wax badan naga caawisa hayada FAO oo aan halkan uga mahad celinayo waxaanay qayb  weyn ka qaadatay tababarkan la idin siinayo,markaa waxaan idinkula dar daarmayaa in aad aqoonta la idin baro in aad uga faaiidaysaan beeralayda deegaamadii aad ka timaadeen ee aad matalayseen.”

 Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha oo isna halkaasi  ka hadlay,ayaa sheegay in ay Wasaaradda Beeruhu waddo qorshe ah cilmi daadejin isla markaana aqoonta taalla Wasaaradda Beeraha la gaashsiinayo dadka beeralayda ah.

“Waxay Wasaaradda Beeruhu waddaa cilmi daadejin waxaana dadka beeralayda ah la soo gaadhsiinayaa oo lagu daadejinaaa aqoonta cilmiga beeraha si anu u helno beeralay aqoon leh,waxaana la idinka doonaaa dadkiina maanta(shalay) halkana ay uga bilaabantay wax barashadu in ay aqoonta halkan ay ka bartaan gaadhsiiaan deegaanadii ay ka yimaadeen isla markaana aanay kaga bakhaylin dadkii ay ka yimaadeen ee ay ugu deeqaan si aynu u daadejino aqoonta isla markaana beeralayda wax u barno,waana sababta wax la idiin barayo ee la idiin keenay aburiin.”ayuu yidhi  Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.

Madaxa Hay’adda FOA  Daria oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay Wasaaradda Beeraha Somaliland kala shaqaynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Beeralayda taasoo uu tilmaamay in  a wax badan ka tarayso horumarinta beeraha Somaliland oo a hayad ahaanna kala shaqeeyaan Wasaaradda Beeraha waxaanu intaa ku daray in ay soo dhaweynayaan shaqada ay Wasaaradda Beeruhu ka waddo Xarunta cilmi baadhista iyo daraasadda  Wasaaradda Beeraha ee Aburiin.

Waxaa kale oo iyagna halkaa ka hadlay qaar ka mid ah beeralayda tababarka loo furay oo Wasaaradda uga mahad celiyay aqoonta ay barayso isla markaana balan qaaday in ay uga faaiidayn doonaan  beeralayda deegaamada ay matalaaan.

Wasaaradda ayaa dhanka kale balan qaaday in at tababaradani joogto noqon doonaan  isla markaana  halkaana laga sii wadi doono, tababarkanina  uu yahay kii saddexaad.

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply