Magalaada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa lagu arkay gaadhi gebi ahaantiisba dahab lagu daboolay laguna qurxiyay. Gaadhigan oo wakhtigaasina taagna wadada caanka ah ee Avenue Montaigne. Wargeyska Daily mail ayaa daabacay sawirka gaadhi kuwa raaxada ah oo numbarkiisu yahay 666. Gaadhigan ayuu leeyahay mid ka mid ah maalqabeenada dalka Sacuudiga. Wargeyska Daily mail aya caan ku ah inuu sawiro ka qaado baabuurta ay wataan dadka caanka ah ee fasax temshlaha ah ku yimaada Paris iyo London.