Xukuumadda Oo Markii Ugu Horaysay Bulshada Reer Saylac Biyo Macaan U Soo Saaraysa

0
583

 

By. Axmed M. Saleebaan

.

Saylac (Dawan)- Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xuseen Axmed Cabdalle ayaa magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ka hirgeliyay ceel riig ah oo biyo macaan leh, kaas oo noqonaya taariikhda ceelkii ugu horeeyay  ee abid laga qodo gobolka Salal.

Mudane Xuseen Axmed Cabdalle iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayay ayaa socdaal hawleed ku tagay magaalada Saylac, waxaanu wasiirku kulamo la yeeshay maamulka heer gobolka, heer degmo iyo isu duwayaasha laamaha kala duwan ee dawladda.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa kormeer kala duwan ku soo maray deegaanka beeyo dhaadheer ee gobolka Salal, waxaanu wasiirku halkaasi dhagax dhigay ceel cusub oo biyo macaan leh, kaas oo ay ka cabbi doonaan dadka iyo duunyada ku dhaqan ngoboka Salal.

Munaasibadii dhagaxdhigaasi ayaa ugu horrayn waxaa ka hadlay, badhasaabka gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble, waxaanu mahad naq ballaadhan u jeediyay wasiirka khayraadka biyaha Somaliland iyo weftigiisa, waxaanu yidhi “Maanta waxaa halkan inala jooga wasiirkii biyaha iyo wefti uu hogaaminayo iyo Enjineeradii la socday, waxa uu halkan wasiirku inoo dhagax dhigayaa biyihii Saylac oo uu inoo balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono, wasiir bisinka noo qabo oo ku soo dhawaw.”

 

Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Mudane Xuseen Axmed Cabdalle, isaga oo ka waramay waxtarka uu ceelkani u yeelan doono dadwaynaha ku dhaqan gobolka Salal iyo duunyadaba, waxaanu yidhi “Maanta halkan waxaanu u joognaa in aanu dhag dhigno ceelkan oo kii ugu horreeyay ee biyo macaan ah ee Saylac laga helo, in aanu ku xidho magaalada Saylac. ILLAAHAYNA waxaanu ka rajaynaynaa biyo la’aantaas oo gobolka mudd dheer ka taagnayd in IILAAHAY ka soo af-jaro, anaga oo ku hanwayn in aanu bil gudaheed ku dhamaystirno hawshan oo ay reer Saylac biyihii ay u baahnaayeen oo ah biyo macaan ay helaan. Maanta ayaanu u dhagax dhignay, waa guul u soo hoyatay reer Salal, waa guul u soo hoyatay xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo balan qaday in ay dadka ka haqab tirayso biyaha.”

 

Leave a Reply