Weftigii Guddoomiyaha WADDANI Oo Gaadhay Magaaladda Burco

0
442

Hargeysa(DAWAN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa olole siyaasadeed ka bilaabay qaar ka mid ah Goboladda dalka iyadoo aan la gaadhin xiligii sharcigu jidaynayay ololaha doorashooyinka, waxaana isaga iyo xubno ka tirsan xisbigiisu ay shalay gaadheen magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen taageereyaashiisu.
 
Guddoomiye C/Raxmaan Cirro oo la hadlay taageereyaasha xisbiga WADDANI, waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaanu ku baaqay in doorashooyinku ay ku qabsoomaan xiligii loo qorsheeyay oo ku siman kal-dambe. “Siyaasada Doorashooyinka ee Xisbiga WADDANI, waa in Doorashooyinka wakhtigoodii la qabto,oo aan Saacad lagu darin,waxaan kale oo aan u mahad naqaynaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland khudbadiisii ugu danbaysay iyo kuwii ka horeeyeyba ku daray in doorashada wakhtigeedii la qaban doono,waxaanuse codsanaynaa in caqabadaha iyo Isbaarooyinka laga horqaado doorashada oo ay ugu horeyso in la ansixiyo gudida Doorashooyinka Qaranka,oo ah cida Doorashooyinka ka masuulka ah,”ayuu yidhi Guddoomiye C/raxmaan Cirro.
 
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo ololihiisa siyaasadeed ee uu ku marayo goboladda bariga dalka uu Isniintii ka bilaabay Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanu hadal uu u jeediyay taageereyaashiisa ku  naqdiyay warbaahinta dawladda, isagoo si gaar ah u duray wargeyska DAWAN oo uu ku eedeeyay inay ka qoreen warar been abuur ah,  waxaanu cadaynaynaa inaanu jirin warar been abuur ah oo wargeyska DAWAN ka baahiyay Guddoomiye Cirro.
 

Leave a Reply