Gabadh u dhalatay dalkaasi Ingiriiska Faraskeedii noqday cidii ugu dambaysay ee ay is arkaan

0
342

Gabadh u dhalatay dalkaasi Ingiriiska ayaa dalbatay in cida ugu dambaysa ee ay nolosheeda sii macasalaamaysaa inay noqoto faraskeeda,sidaasna waxa sheegay dhakhaatiirtii daweynaysay gabadhaasi oo muddo dhakhtar taaley.
Gabadhan ayaa faraskan soo korinaysay muddo aad u dheer soona xanaanaynaysay ,waxaanu noqday mid ay aad u jeceshahay,waxaanay ku ag macasalaamaysay gaadhigii Ambalance-ka ahaa ee ay saarayd oo ay dalbatay in laga rogo si ay faraska u sii macasalaamayso.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalo lagu magcaabo Wigan oo ku taala waqooyi galbeed dalkaasi Ingiriiska,waxaanu faraskaasi dul istaagey gabadhaasi,isaga oo Madaxa Madaxa u saaray,waxaanay da’deedu ahayd gabadhan 77 sanno jir,iyada oo uu ku dhacay gabadhan xanuunka  Cancer-ku,kaas oo ay markii dambena u dhimatay.
Faraskan ayaa ilmeeyey ,iyada oo ay agteeda ka ooyayeen dhamaan qoyskii gabadhaasi kasoo jeedey,waxa iyaguna ku daray oohintaasi dhakhaatiirtii daweynaysay oo aad uga naxay faraskaasi oohinta la dultaagnaa gabadhan markii ay naftu ka baxday.
Dadkii goob jooga ahaa ayaa sawiro ka qaatay faraskaasi oo dul taagan gabadhaasi ,iyaga oo ku faafiyey bogaga wada sheekaysiga ee dadku ku kulmaan,waxaanay noqotay mid ay dadku aad u hadal hayaan dhacdadani.
Gabadhan oo da’deedu ahayd 77 sanno jir ayaa dhakhtarkaasi agtiisa ku geeryootay ,taas oo ay aaseen eheladoodu.

Leave a Reply