Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka oo soo noqotay muddo 45 daqiiqo oo ay mayd ahayd kadib

0
391

Dhakhaatiirta dhakhtarka ku yaala magaalada Florida ee dalkaasi Maraykanka ayaa ku fashilmay inay warbixin ka keenaan gabadh hore loogu sameeyey qaliin ,taas oo muddo 45 daqiiqo ah ku maqnayd xaalad geeriyeed,iyada oo la moodaayey inay dhimatay gabadhaasi.
Gabadhaasi ayaa wadneheedu joojiyey garaacida gebi ahaanba ,iyada oo taasina keentay in loo qaato inay dhimatay,waxaanu wadnuhu garaacidaasi joojiyey muddo 45 daqiiqo ah,taas oo keentay in loo diyaariyo aas loo sameeyo.
Gabadhan oo lagu magcaabo Graobera – Casimiro ayaa da’deedu tahay 40 sanno,waxaanay ka timid magaalada Boca-Raton,kadib markii qalinkaasi lagu sameeyey ayay dhakhaatiirtaasi sameeyeen wax kasta oo ay kaga shaqaysiin karayeen wadneheeda,kadib markii uu shaqayn waayey muddo 45 daqiiqo ah,taas oo fashilaad ku noqotay dhakhaatiirtaasi.
Dhakhaatiirtan ayaa markii dambe u diyaar garoobey inay ehelkeeda iyo qaraabada ku ku sugnayd dhakhtarka inay u sheegaan inay dhimatay ,kadibna waxay ka soo bexeen qolkii qaliinka ,iyada oo markay marayaan albaabka qolka qaliinka ay dib usoo noqotay ,iyada oo neef soo tuurtay,taas oo badbaadisay dhakhaatiirtaas iyo sidoo kalena nafta gabadhaasi.
Gabadhan ayaa dhibaato kasoo gaadhey kadib markii ay dhashay ilmeheedii ugu horeeyey,taas oo keentay inuu wadnuhu mararka qaar istaago ,isaga oo joojinaaya shaqada uu hayo ama qabanaayo,taas oo mararka qaar nolosheeda gelisa halis balaadhan.
Gabadhan ayay dhakhaatiirtu sheegeen inay iminka fiican tahay,iyaga oo ku tilmaamay waxyaalaha dhacay inay ahaayeen waxyaalo rabaani ah ,kuwaas oo aan ilaa hadda u hayn wax tafsiir ah ama fasiraad ah oo ay ka bixiyaan sida uu u dhacay.

Leave a Reply