Ganacsade Maxamuud Bedde Oo Talooyin U Soo Jeediyay Ganacsato Ay Shaqaaqo Ku Dhex Martay Berbera

0
341

Hargaysa (Dawan):  Ganacside Maxamud  Badde oo ka mid ah ganacsatada xoolaha  dhoofisa   ayaa talooyin  ugu  soo jeediyay ganacsatada Maxjarada leh iyo kuwa raba in ay Maxjaro samaystaanba in ay u hoggaansamaan  Xukuumadda.
 
Maxmuud Bade  ayaa sidaa waxaa uu ku sheegay  shir jaraaid oo uu  ku qabtay magaalada Hargesa,waxaanu sheegay in  uu soo dhawaynayo wax kasta oo dalka u soo kordha oo horumar ah balse aanu ka mid ahayn ganacsatada doonaysa in ay Maxjarka cusub dhistaan.
 
Waxanu ugu  soo jeediyey Ganacsatada Maxjarada leh iyo Ganacsatada kale ee raba in ay soo kordhiyaan Maxjarro cusub in ay dhamaantood Raacaan Xukumadda maadaama ay iyadu  u dhaxayso Ganacsatada Dalka. Waxanu yidhi . “Ganacsatadan Maxjarka dhisanaysa iyo kuwa Maxjarka  kale leh ee imika is haysta, waa kuwii markii hore Maxjarkaa hore ka Qaybgalay dhismihiisa oo Tacab badana galiyey sidii uu u hirgalilahaa Maxjarkaasi labaad, kaasoo ay ku diidanayeen kootadii Maxjarkii Al-jaabiri, muwaadiniintuna waxay xaq u leeyihiin inay  si xora  Ganacsigooda u wataan maantana wax kooto ahi ma jiraan.”
 
 
Ganacsade maxamuud Badde waxa uu intaasi Raaciyey inaanu  dalku fawdo ahayn ee ay  dawladi ka jirto Dawladdana looga baahan yahay in ay ciddii cabanaysa ee waxyeelo ka soo gaadhay gacan ka hadalkii Berbera ka dhacay.
 
“Xukumadda ayaa looga fadhiyaa inay si caddaalad  ah u kala saarto, anigu Ganacsade ahaan waan soo dhawaynayaa wixii dalkeena wax ugu kordhayaan Balse kama mid ihi labadda dhinac midna, waxanay  danta Ganacsatada yar yari ku jirtaa  in la sameeyo Maxjarro Badan oo shahaado la Aqoonsanyahay leh oo cid waliba kay awoodi karto ay  ka Adeegato. Intii Maxjarka labaad yimidna aadbaa looga raystay kootadii, maantana hadday wax soo kordheen waa Alxamdulilaha ,waxaan kula Talinayaa Ganacsadada xoolaha in Alle laga-baqo laguna xamdiyo Nabadgalyada Somaliland ka jirta loona hogaansamo xukumadda.”
By: Idiris Muxumed Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply