Is weerarka Cabbas iyo Netanyahu

0
366

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbas ayaa eedo isu mariyay warbaahinta, iyadoo weli ay rabshado ka taagan yihiin Magaalada Qudus.
Ra’iisl wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas inuu hurinayo mowjado cusub oo qalalaasa ah.
Mr Netanyahu ayaa sheegay in Mr Abbas uu dadkiisa barayo argagixinta halkii nabadda uu u sheegi lahaa.
Wuxuuna intaa ku daray in Israa’iil ay isku deyeyso soo afjaridda qalalaasaha, balse waxa uu tilmaamay in Maxamud Cabbas uusan arrintaasi dooneyn dadkiisa uu baraya “argagixinta iyo weerarada”.
Dadka Falastiiniyiinta ayaa aad uga cadheysan Israa’iil oo ay sheegeen inay u diiday xaqa ay u leeyihiin inay ku cibaadeystaan masjidka barakeysan ee Al-aqsa.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabas ayaa sheegay in Israa’iil ay dagaal diimeed ka abuureyso meelaha cibaadada.
Wuxuuna tilmaamay in magaalada Qudus ay tahay caasimadda Falastiiniyiinta, caalamkana uu kawar hayo arrintaasi, waxa uu Mr Cabas hoosta ka xariiqay inaysan arrintaasi ka tanaasuleyn.
Seddax qof, oo laba Israa’iiliyiin yihiin midna uu Falastiini yahay ayaa ku dhintay qalalaasaha iyo rabshadaha ka taagan Qudus labadii maalin ee la soo dhaafay.
 
 

Leave a Reply