Gudidda Ganacsatadda Wajaale Oo Maayarka Ku Wareejiyay Dab-demiskii U Horeeyay Ee Magaaladaasi Yeelato

0
381

Wajaale(DAWAN):  Gudidda ganacsatadda ee magaaladda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa shalay maayarka degmadaasi   ku wareejiyay baabuur dab-demis ah oo ay ku soo iibiyeen lacag  ay iyagu iska ururiyeen.
Munaasibadii  lagu gudoonsiinayay maayarka   Wajaale baabuurkaasi dab-demiska ah ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday gudidda ganacsatadda Wajaale, ganacsato kala duwan, maayarka Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi, xoghayaha dawladda hoose ee Wajaale, salaadiin, cuqaal  iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha degmadda Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi, oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay gudidda ganacsatadda ee ku wareejiyay baaabuurka ,dab-demiska  isagoo  sheegay in baabuurkani ay sida ugu dhakhsaha badan u hawlgelin doonaan.
 
Waxaanu  yidhi “Farxad weyn ayay noo tahay in aan maanta (shalay) hortaagannahay baaabuurkii dab-demiska ee ay noo soo ururiyeen,  nooguna deeqeen ganacsatadda Wajaale.  waxaanan u mahad naqayaa gudiddii ka hawlgashay arrintaasi inay suurto-gasho.  gudidaasi ganacsatadda Wajaale ka qayb qaateen dhismihii wadooyinka hadana  waxa abaal gudkoodu noqday in la dhaleeceeyo oo la yidhaahdo lacagtii bay cuneen waxaa ka dambaysay baabuurkaasi oo la soo iibiyay oo cilad yar oo xagga kaabanka ah dib loogu celiyay la yidhaahdo lacagtii baabuurka dabdamiska waa la cunay oo ay gaadho in gudoomiye xisbi ka hadalo. Waxaan umaada u sheegayaa maanta wixii ka dambeeya  in dab-demisku  shaqo geli doono”.
 
 
 
 
Dhinaca kale   Guddoomiyaha gudidda ganacsatadda Wajaale oo halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in baabuurkani dab-demiska ah ee ay ku wareejinayaan maayarka Wajaale lacagta lagu soo iibiyay ay ka ururiyeen ganacsatadda magaaladaasi. Isagoo tilmaamay in lacagta ay ganacsatadda ka ururiyeen qaybta kale oo ka mid ah ay ku soo iibinayaan gaadhi kale oo is-karogo ah.
 
Waxaanu yidhi  “Gaadhigan dab-demiska ah lacagta lagu soo iibiyay waxaanu ka uruurinay ganacsatadda Wajaale, taasi oo ahayd  lacag dhan ($43.000), saddex iyo afartan kun oo dollar.  gaadhigan dab-demiska ah waxaa la soo siisay lacag dhamayd  $33000 dollar.   gaadhi kale oo is-karogo ah oo xashiishka lagu qaadi doono ayaanu isna soo iibinay, kaasi oo la soo siiyay  lacag dhan $14000 dollar, gaadhigaasi  oo soo socda.  $2500 waxaanu ku qalabaynay xafiiska  gudidda ganacsatadda Wajaale.
 
Waxa kale oo uu  guddoomiyaha gudidda ganacsatadda ee Wajaale  uu beeniyay warar maalmihii dambe la isla dhexmarayay oo sheegayay in lacagta ay ururiyeen ay ganacsatadu cuneen ama ay lunsadeen, waxaanu sheegay in aanay jirin wax lacag ah oo ay cuneen.
 
“Waxaa dhacday in maalmahan dhawayd la yidhaahdo ganacsatadii lacagtii ay ururiyeen  ayay cuneen,  xaasha waxba maanaan cunin,  arrinkaasi wuxuu gaadhay illaa masuuliyiintii qaranka xisbiyada kuwa ugu sareeya ayaa ka hadlay. Waxaan ku wareejinaynaa masuuliyadiisa mayaarka degmadda Wajaale” ayuu yidhi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply