“Guddoomiyaha Waddani Isagaa Caqabad Ku Ah Qabsoomidda Doorashadda” xildhibaan Maxamed Ciise

0
377

Hargeysa, (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa guddoomiyaha golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku tilmaamay  inuu caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada, isla markaana sabab uu u yahay dibu dhaca ansixinta koomishanka doorashooyinka. 
Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo shalay u warramay wargeyska Dawan waxa kale oo uu tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  ay tahay xukuumaddii ugu waxqabadka badnayd ee dalka soo marta , isla markaana ay fulisay waxqabad balaadhan oo ay hore u ballan- qaadeen.
 
Xldhibaanka oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Marka la eego xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mid ka waxqabad badan oo ka dedaal badan xukuumaddihii kala dambeeyay may soo marin, waxyaabo badan oo ay ballan-qadeenna badankoodii way fulliyeen meelaha qaarna gaabis wuu ka iman karaa, laakiin runtii guud ahaan marka la eego dedaalkoodu  ma yara, xukuumaddan Kulmiye aad buu u fiican yahay, waxaanan filayaa inay yaraan doonto cid ku dhiirata waxan ay qabteen, xukuumaddan Kulmiye marka aynu eegno xisbiyada tartamaya iyo hogaankooda oo aynu wada naqaano waxaanay iila muuqataa cid ka dedaal badan Kulmiye inaanay jiri doonin.”
 
 
Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise waxa kale oo uu tilmaamay inuu guddoomiyaha golaha wakiilladu uu caqabad ku yahay qabsoomida doorashooyinka waxaanu yidhi, “Golaha wakiilladu xeerkii diiwaangalinta madaniga ah iyo cod-bixiyeyaasha ee uu ansixiyay ayaa wax laga bedelay, markaa murankii xeerkaa ka dhashay mucaaradka ayaa dhaliyay iyo guddoomiyaha golaha wakiillada oo hogaaminaya mucaaradka, sidaa darteed murankaa iyagaa usabab ah, hadday mucaaradka yihiin ee dib udhaca ku keenay in komishanka doorashooyinka la ansixiyo waxa sababay xeerka wax laga bedelay ee  golaha guurtida loogu gudbiyay, si aan ahayn sidii galaha wakiilladu ku ansixiyay.”
 
 
Xildhibaan Maxamed Xuseen waxa kale uu xusay in loo baahan yahay in la kala xadeeyo gobollada iyo degmooyinka dalka, inta ka horeysa qabsoomida doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha wakiillada,waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi  “Waxyaabo badan ayaa ka horeeya qabashada doorashooyinka soo socda oo waxay ahayd inuu diyaarsanaado xeerkii kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka, waayo gobollo cusub ayaa soo kordhay, ka dib markii la doortay golaha wakiillada barigii hore lix gobol ayay ahaayeen, maantana waa dhawr iyo toban gobol, markaa waxa imanaya culays oo in wax laga bedelo sida golaha wakiilladu ku fadhiyo ee gobolladu u kala helayaan kuraasta, waxaas oo dhan  waa qabyo, waxaana laga yaabaa inay dib u dhac keenaan doorashooyinka, waxaanay noqonaysaa in inta ka horeysa qabashada doorashooyinka in la dhameeyo arrimahaas.”
By: Khadar Maxamuud Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply