Wadahadallada Shiinaha iyo Mareykanka

0
433

Madaxweynaha Mareykanka iyo dhigiisa dalka Shiinaha ayaa yeelanaya kulamo dheeraad ah, si ay uga wada hadlaan loolanka ganacsiga.
Wadahadal ay yeesheen aan rasmi ahayn oo ay yeeshiin xilligii Cashada ee habeen hore  kaddib shirkii Asia, waxa uu qaatay shan saac, kaas oo laba saac ka badnaa sidii loo qorsheeyay.
Waxa ay isku deyaayaan inay sare u qaadaan xidhiidhka ka dhexaaya labada dal ee ugu dhaqaalaha badan caalamka.
Balse waxaa jiro xiisado aan la xallin oo u dhexeeya labadan dal oo ku saabsan arrimo dhowr ah.
Dowladda Mareykanka ayaa muujisay inay ka walaacsan tahay wax ay u aragto inay yihiin daandaansiga Shiinaha ee mowqofkooda ku aadan badda bariga Shiinaha, waxayna xukuumadda Beijing ku eedeeyeen sii socoshada weerarada internet-ka.
Shiinaha dhankiisa, waxa uu ka shakisan yahay in Mareykanka “la wareegayo Asia” ayna tahay iskudey rogaal celis ah oo ka dhan ah dalka ugu awooda badan qaarada Asia.
Ka hor wadahadalka, Ben Rhodes, oo ah lataliyaha arimaha amniga ee Mareykanka ayaa sheegay in US ay soo dhaweyneyso doorka Shiinaha ee beesha caalamka.
Salaasadii shalay ahayd, Mr Obama oo sanadkii hore marti geliyay Mr Xi oo kullan laba maalin qaatay kula yeeshay magaalada California, ayaa sheegay inuu doonayay inuu adkeeyo xidhiidhka ka dhexeeya Beijing-Washington.
Wakaalada wararka ee Shiinaha ee Xinhua ayaa qortay in Mr Xi, uu sheegay, isu soo dhaweynta xidhiidhka labada hogaamiye inay xoojineyso is aaminaadda .
Labada hogaamiya ayaa warbaahinta la hadli doono kaddib kulamadooda .
 

Leave a Reply