Wasiirka Duulsita Oo Qaabilay Dhalinyarro Hal-abuur Ah Oo Booqday Madaarka Hargeysa

0
355

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland,  Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa madaarka Cigaal ku qaabilay dhalinyaro Hal-abuuro ah oo dhawaan tartan suugaaneed  loogu qabtay magaalada Hargeysa.
Dhalinyaradani oo ka qayb-galay tartan uu qabtay horumarinta iyo daraasaadka Somaliland ee SODRA oo lagaga hadlayey tahriibta laguna dhiirigelinayey dhalinta dalku inay ka dheeraadaan tahriibta, ayaa shalay booqasho ku tagey madaarka caalamiga ah ee Cigaal, iyagoo soo indho-indheeyey qaybaha kala duwan ee madaarka.
Xubnahan dhalinyaradda ah  ayaa waxa ay soo daawadeen qaybaha madaarka iyo goobaha ay hadda ka socoto balaadhinta dhabbada diyaaraduhu ka haadaan iyo sidoo kale dhismaha dayn daabka madaarka.
Indha-indhaynta dhalinyaradu ay madaarka ku sameeyeen, ka dibna waxay kulan guubaabo ah la qaateen wasiirka  duulista Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen maamulaha madaarka Cigaal, ku-xigeenadiisa iyo afhayeenka wasaaradda duulista.
Guddoomiyaha Ururka Horumarinta iyo Daraasaadka ee  SODRA Axmed Maxamed Shaqalle  oo dhalinyarada Hal-abuurada ah hawshooda gacanta ku hayey ayaa u mahad-naqay wasiirka duulista waxaanu yidhi, “Sharaf weyn ayey noo tahay urur ahaan inaanu soo booqano, annaga iyo dhalinyarada Hal-abuurka ah ee ka kala timi gobollada dalku, madaarka Caalamgia ah ee Cigaal, waxa kale oo farxad iyo qiimo noo leh inaanu sidoo kale soo booqano dhismaha xarunta wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland ee cusub ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray. Mudane Wasiir dhalinyaradani waxay ka kala timi guud ahaan gobollada Somaliland, waxay ku tartamayeen wacyi-galinta dhalinyarada Somaliland ee dhibaatada tahriibka, annagu urur ahaan waxaanu xaqiiqsanay in bilaha sideedaad ilaa laba iyo tobnaad ay dhalinyaro badani dugsiyada sare iyo jaamacadaha dhameeyaan qaar ka mid ahina ay tahriib u kacaan, markaas waxaanu go’aansanay inaanu dhalinyarada u qabano barnaamijyo wacyi galin ah.”
Hal-abuurad Deeqa Nuux Yoonis oo kaalinta koowaad tartarnkaasi ka gashay ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay oo tidhi, “Waxaan u mahad-celinayaa wasiirka duulista Somaliland iyo halw wadeennada wasaaraddiisa oo maanta (shalay) si mug leh noo soo dhaweeyey, tani waxay muujinaysaa in madaxdayadii ay noo soo jeedaan, Wasiirka duulista oo aanu maanta (shalay) la joogno, madaxweynaha iyo wasiirka madaxtooyada oo aanu shalay la kulanay, ka dhalinyaro ahaan waxay muujiinaysaa inay madaxdayadu na danaynayaan, nala kulamayaan sidoo kalena ay na dhagaysanayaan.”
Maamulaha madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu ku faraxsanahay oo aanu idiinka mahad-naqaynaa booqashada aad na soo booqateen, sidoo kalena waxaanu ku faraxsanahay inaanu markhtaati ka noqotaan is-bedelka maanta madaarka ka dhacay, idinka oo dhalinyarada waddanka matalaya, waxay Soomaalidu tidhaa wixii indho arkaan ayey ilko gooyaan, waxa qurux badnaan lahayd in waxaas aad maanta aragteen aad suugaan ummadda inta kale ee aan arag ugu soo bandhigtaan.”
Gabogabadii kulankaasi ayaa waxa ka hadlay wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu yidhi, “ Illaahay ayaa ku mahad-san maanta (shalay) isugu keen keenay kulankan, runtii waanu idiinak mahad-celinayaa booqashada aad noogu timaadeen Hal-abuuradiinan da’da yar  ee tusaalaha u noqon kara, suugaanta da’da yar, sidoo kale waxaan jecelahay inaan ugu mahad-celiyo guddoomiyaha Hay’adda  SODRA Axmed Shaqalle  oo ah qof caan ku ah ka shaqynta danaha guud iyo daryeelka bulshada, milgo iyo maamuus ayey noo tahay, sharaf weyn ayey noo tahay inaad na soo booqataan, runtii waxaan u arkaa wax weyn oo lagu faano oo qaranka qiimo u leh, da’ dhalinayro ah oo hal-abuur ah oo suugaan cusub la yimi, waanan idin soo dhaweynayaaa.”
Sidoo kale wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isla shalay dhalinyaradaasi kulan qado sharaf ah ugu sameeyey Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.
By: Siciid Askar
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply