Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi Oo Kor Loogu Sii Qaadayo Wax Wada Qabsiga Labada Dal

0
387

Hargeysa (DAWAN)- Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya ayaa shalay heshiis iskaashi oo dan u ah labada dal  ku kala saxeexday shir ay ku yeesheen Huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, waxaana qalinka ugu duugay labada wadan Wasiirro ka kala socday labada dawladood.
Wasiirka wasaarada arrimaah dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay heshiiskan ay kala saxeexdeen weftigan ka socday dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in qoddobada ay ku heshiiyeen ay ka mid tahay  sidii Itoobiya  isticmaali lahayd marsadda  Berbera iyo sidii laydhka Itoobiya loo soo gaadhsiin lahaa Somaliland.
Wasiir Biixi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxyaabaha aanu ku wada heshiisnay  waxa ka mida sidii dekedeena Berbera ay Itoobiya  u isticmaali lahayd,  Itoobiya oo ay ku nool yihiin 90 malyuun oo dad ahi una baahan  dekedo faro badan, waxay tixgelinayaan oo ay aad u doonayaan dekeda Berbera waxay arkeen in shacbiga Itoobiya badan yihiin, una baahan yihiin dekedo faro badan oo hawlahooda ay kala soo dagaan.
Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii loo dhisi jidka isku xidha  Berbera  dalka Itoobiya ee Berbera Cooridor oo daraasadii ugu dambeeyay  ay sameeyeen World Bank iyo Midowga Yurub.”
 
“Waxa kale oo aan aad uga wada hadalnay waxa weeyaan  laydhka oo  laydhkeenu  waa qaali, laydhka  Itoobiya aad buu u jaban yahay. Itoobiya Laydhkeeda Jabuuti way gaysay,  imikana Tog-wajaale ayaa uu soo gaadhay sidii laydhkaa jaban Somaliland loogu keeni lahaa, taas oo inoo horseedi karta in wadanku horumar gaadho iyo waxyaabaha u baahan in laydh lagaga  shaqaysiiyo, waayo oo waxaynu filaynaa laydhka jabani  uu horumarka kaalin weyn ku leeyahay.”
 
 
Wasiirka maaliyada ee dawlada Itoobiya Sufiyaan Axmed oo isaguna halkaasi  ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in labada dhinac ee Somaliland iyo  Itoobiya ay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo kaabayaasha dhaqalaha sida isticmaalka dekedda Berbera  dib u dhiska wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale iyo isticmaalka haamaha shiidaalka ee Berbera si  dhaqaale uga soo galo Somaliland.
Dhinaca kalena ka dib markii  heshiiskaas ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya waxa qado sharaf u sameeyay weftigas balaadhan ee ka socday dalka Itoobiya Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale.
Wasiir Samaale  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa  uu sheegay in farxad u tahay inuu qado sharaf u sameeyo weftigan ka yimi dalka dariska la ah Somaliland ee Itoobiya, waxaana uu yidhi “Waxaan idin leeyahay  ku soo dhawaada  walaaladiin oo aad wadaagtaan nolol, aad wadaagtaan jaarnimo, aad wadaagtaan wax kale oo aydaan wadaagin adduunyada kale, farxad ayay u tahay  wasaaradda maaliyada  inay marti-qaadkan iyo kulankan idiin samayso oo aanu idin sii ambo-bixino weftigan saddexda maalmood inala joogay, si wanaagsan ayay inoogu dhamaatay hawshii aanu wada qabanay saddexdaa maalmood ee la soo dhaafay.
Weftigan ka socday dalka Itoobiya ee saddexda cisho  socdaalka ku joogay  dalka ayaa shalay dalka dib uga dhoofay, ka dib markii ay shirar kala duwan la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada isla markaana ay booqdeen magaalooyinka Berbera iyo Wajaalle.
Weftigani waxa uu ahaa kii ugu miisaanka weynaa ee ka socday Itoobiya ee socdaal ku yimaada Somaliland afar iyo labaatankii sannadood ee ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay dalka qalalaasuhu halakeeyay ee Soomaaliya.
 
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply