Guddoomiyaha WADDANI Oo Beeshiisa Ugu Baaqay Inay Mudaharaadyo ka Dhigaan Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka

0
359

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa abaabulka mudaharaadyo sharci darro ah oo taageereyaashiisu ka dhigaan magaalooyinka waaweyn ee dalka ka dib markii uu ka war-helay in xildhibaanadda aqlabiyadda ah ee Wakiiladdu ay Sabtida maanta soo dhigayaan mooshin xilka lagaga xayuubinayo. Ka dib markii uu foojariyeeyay xeerkii diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo ah xeerka ay ku shaqaynayaan Komishanka cusub ee doorashooyinku.
Guddoomiye Cirro oo olole siyaasadeed ku marayay goboladda bariga dalka ayaa habeen hore ka soo guureeryay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isagoo intii aanu u soo ambo-bixin caasimadda Hargeysa kulanno kala duwan la yeeshay madax-dhaqameedka, cuqaasha, aqoonyahanadda iyo dhalinyaradda beesha galbeedka Burco, waxaanu ku booriyay inay mudaharaadyo aan kala joogsi lahayn ka dhigaan magaaladda Burco  loo joojiyo mooshinka xilka lagaga qaadayo ee ay qalinka ku duugeen Mudaneyaasha aqlabiyadda ah ee wakiiladdu.
 
Ilo war-galeen ah ayaa wargeyska DAWAN u xaqiijiyay in kulankii uu C/Raxmaan Cirro la yeeshay waxgaradka beeshiisa uu u sheegay in markii hore ay isaga u qorshaysnayd inuu is casilo, marka la dhameeyo ansixinta xeerka diiwaan-gelinta iyo miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2015-ka ee Golaha horyaalla, hase yeeshee aanu imika is-casilaynin illaa inta xilka laga qaadayo, waxaanu tilmaamay in haddii xilka laga qaado ay u soo kordhin doonto taageero hor leh iyo sumcad siyaasadeed, waxaana arrintaasi ku ayiday madax-dhaqameedkii iyo siyaasiyiintii beesha galbeedka Burco.
Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Wakiiladdu shalay illaa xalay gurigiisa shirar kala gedisan kula yeeshay waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno iskugu jira xisbigiisa iyo beeshiisa, waxaanu u soo jeediyay inay abaabulaan mudaharaad ay ka dhigaan caasimadda Hargeysa oo looga dan leeyahay in lagu baajiyo in aqalka Wakiiladda la horgeeyo mooshin isaga ka dhan ah.
Geesta kale waxa Guddoomiye Cirro uu go’aansaday in aanu ka soo daahirin fadhiga maanta lagu wado inay Goluhu yeeshaan, isagoo fasaxay Xoghaynta golaha iyo hawl-wadeenadda aqalkaasi. Waxaanu arrintaasi uga dan leeyahay in uu ku dhiciseeyo suurto-galnimadda in miiska loo soo saaro mooshin xilka lagaga qaadayo.
Guddoomiyuhu waxa uu shalay subax lagu soo dhaweeyay Hargeysa ayaa taageereyaashiisa iyo dadweynaha ugu baaqay inay mudaharaad sharci darro ah sameeyaan oo ay isa soo hordhoobaan xarunta golaha Wakiiladda.
 
Geesta kalena ilaa afartameeye madax-dhaqameed ah oo iskugu jira cuqaal iyo waxgarad kala duwan oo ka soo jeeda beesha galbeedka Burco ayaa sheegay inaanay aqbalaynin in xilka laga qaado Guddoomiye Cirro, waxaanay sheegeen in beeshoodu ay saami u heshay kursiga gudoonka baarlamaanka. Odayaashan uu guddoomiyaha Wakiiladdu soo abaabulay waxay sheegeen in xukuumaddu ay dusha ku qaadi doonto masuuliyadda wixii baarlamaanka ka dhaca.
Rayul caamka bulshadda ayaa aad ula yaabay dhawaaqa ka soo yeedhay waxgaradka beesha galbeedka Burco oo uu ku jiray Suldaanka guud ee beelaha Habar-yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, waxaanu hadalkoodu u muuqday mid sumad beeleed ku dhufanaya xisbiga WADDANI iyo gudoomiye Cirro labadaba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply