Hooyo u dhalatay dalkaasi Shiinaha Oo Xubno jidhka ilmeheeda kamid ah ugu deeqday caruur kale

0
389

Hooyo u dhalatay dalkaasi Shiinaha kuna nool gobolka lagu magcaabo Jiangxi ayaa ugu deeqday xubno kamid ah xubnaha jidhka ee gabadh ay dhashay caruur kale si ay u badbaadiso noloshooda.
Ilmahan yar qaybaha xubneheeda jidhka kamidka ah lagu caawiyey caruurta kale ayaa dhimatay iyada oo da’ahaan jirtay 3 sanno,waxaanay taasi keentay inay caruur kale ugu deeqdo qaybahaasi ay u baahnaayeen caruurtaasi ,taasna waxay u samaysay si ay u badbaadiso caruurtaasi kale.
Hooyadan oo la hadashay boga internet-ka ee lagu magcaabo shanghaiist oo ah bog laga lee yahay dalkaasi Shiinaha in xubnaha ay inanteedu ka tagtay ay badbaadiyeen 5 caruur ah oo u baahnaa,iyada oo tilmaantay inay kala ahaayeen xubnaha badbaadada sameeyey ee ay ku deeqday  Wadnihii,Beerkii,Kelyihii iyo Sambabadii,iyada oo sheegtay inay iminka degan tahay kadib markii ay aragtay caruur kale oo caafimaad wanaagsan ku helay xubnahaasi.
Aabaha dhalay gabadhaasi xubneheeda lagu tabarucay ayaa sheegay inay go’aansadeen arrintan inay sameeyaan kadib markii ay arkeen inay dhimanayso ,iyada oo xaaladeeda caafimaad waqtigasi noqotay mid aan rajo lahayn,iyaga oo markii ay geeryootay ay ku sameeyeen qaliin deg deg ah ,taas oo keentay in xubnahaasi laga soo saaray in ay badbaadiyaan shan caruur ah oo kale,kuwaas oo xaalad xun ku jiray.
 

Leave a Reply