Tuulo Ka mid ah dalkaasi Shiinaha oo haddii aad wax xaddo si cajiiba lagu ciqaabaayo

0
386

Mid kamid ah tuulooyinka dalkaasi Shinaha ayaa waxa dhaqan u ah in si xun loo ciqaabo cidii wax xada,taas oo keentay in laba wiil oo yar yar da’ahaana gaadhaaya 14 sanno lagu ciqaabo inay fadhiistaan wadada weyne ee tuuladaasi dhexdeeda ,iyaga oo afkana ku qabanaaya xuur badeed .
Waxaanay xuurtaasi badda u haynayaan afkooda muddo saacad ah ,taas oo intaas oo dhan la dul taagnaanaayo,lana daawanaayo ,iyada oo saacada loo qabanaayo,taas ayaana ah mid caadi ka ah magaaladaasi,waxaanay kamid tahay tuuladaasi gobolka lagu magcaabo Guangxi oo ku yaala Koonfurta wadankaasi Shiinaha.
Young Koo oo ah Madaxa tuuladaasi ayaa sheegay inay inamadan yar yari noqdeen kuwo ixtiraam daran,kuwaas oo aan naftooda ixtiraamayn,sidoo kalena xadaaya wax walba oo ay arkaan,taasna waxay u samaynayaan ayuu yidhi si ay u helaan lacag,taas oo ay ku cabayaan sigaar ama khamri.
Waxa kale oo ay sameeyaan ayuu yidhi dambiyo kale oo badan,ciqaabtanina waa mid dhaqan u ah magaaladan ,waana cashar aanay weligood ilaawayn,waana mid loo baahan yahay inay maraan.
Laakin ciidamada amaanka ayaa arrintasi ka hor yimid iyaga oo sheegay in aanay ahayn in dadku sharciyada gacantooda ku samaystaan ,laakin ay tahay inay ciidamada lasoo socod siiyaan dambiyada,waxaanay ku tilmaameen falalkan ciqaabta ah mid ku celinaysa dadka qarniyadii dhexe ee lasoo dhaafay.
Dalkan ayay ka jiraan dhaqano kala duwani,kuwaas oo dadka lagu ciqaabo ,sidoo kalena loogu hambalyeeyo ama loogu dabaal dego,waana kuwo ay dadka kale kaga duwan yihin .

Leave a Reply