Ingiriiska oo soo Saaray Sharciga Argagixisada

0
338

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaca ka qaaday faafaahinta sharci cusub oo kadhan ah “argagixisada”, kaas oo ah in ay ka hortagaan dadka British-ka ah ee ku qulqulaya dalalka Suuriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan kooxaha halkaasi ka dagaallama.
Booliska ayaa la siinayaa awood cusub si ay baasaboorada uga qaadaan dadka looga shakiyo in ay ku biirayaan dowladda Islaamka ee iskudeya inay dalka ka dhoofaan.
Waxaa sidoo kale jira xannibaad ku meel gaadh ah oo la saarayaa dadka British ka ah ee dalkaasi dib uga soo noqonaya loona maleynayo inay ku lug leeyihiin kooxaha xagajirka ah.
Waxaa intaasi dheer, shirkadaha diyaaradaha ayaa wajihi doono ganaaxyo adag haddii aanay aad u baadhin diiwaanada rakaabka ay qaadayaan.
Khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Australian, Mr Cameron waxa uu ku sheegay in ay waajib tahay in la ogaado xididada waxa uu ugu yeedhay argagixisada halista ah.

Leave a Reply