Boko Haram oo Magaalo kale Qabsatay

0
357

Kooxda Jihaadiga ah ee Boko Haram, ayaa weerartay oo qabsatay magaalada Chibok ee waqooyiga bari ee dalka. Waa halkii ay ka qafaasheen in ka badan laba boqol oo gabdhood oo iskuul dhiganaysay todoba bilood muddo hadda laga joogo.
Kooxda Jihaadiga, ayaa ka qabsatay magaalada ciidamada military-ga, iyadoo lagu soo waramayo in ciidamada ay goobta ka carareen oo aanay la dagaalamin.
Sida ay sheegayaan dadka ku noolaa deegaanka ayaa kooxda Boko Haram dagaalyahanadooda ay hadda gacanta ku hayaan magaalada Chibok. Markii ay weerareen xilli dambe maalintii Khamiista, dadka deegaanka ee carari karayay iyo ciidamada halkaa joogay aya iskaga baxay magaalada. Magaalada Chibok, ayaa magaceedu dunida gaaray kadib markii tiro badan oo gabdho ciyaala iskuul ah lagu afduubay bishii April ee la soo dhaafay.
219 ka mid ah ayaa wali maqan. Wixii markaa ka dambeeyay, waxay magaaladu ka cabanaysay in sidii la rabay loo ilaalin. In badan oo ka mid ah dadka deegaanka horay ugu noolaa waxay u guureen meelo kale oo ay ku badbaadi karaan iyagoo ka baqayay weerarkan oo kale.
Dhibaatada Nigeria ayaa sii xumaanaysay todobaad walba balse siyaasiyiiinta ayaa u muuqda in ay hadda diiradda saarayaan doorashooyinka sanadka soo socda.
Military-ga ayaa dhowr jeer oo hore ku guuldaraystay in uu difaaco magaalooyinka iyo tuulooyinka dhinaca waqooyiga bari ku yaalla, taasoo u ogolaatay kooxda jihaadiga ah ee Boko Haram in ay si joogto ah u sii ballaadhiso goobaha ay ka taliso.

Leave a Reply