Madaxweyne Siilaanyo Oo ka Hadlay Booqashadii Weftigii ka Socday Itoobiya

0
395

Hargeysa (Dawan)- Maxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan casho sharaf ah habeen hore ugu sameeyay qasriga madaxtooyadda  weftigii ballaadhnaa ee ka socday dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Kulankan casho sharafta ah ee madaxweyne Axmed Maxamuud Silaayo la yeeshay weftigan ka socday dalka Itoobiya oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada Axmed Abu Sufiyaan oo tiradoodu dhamady 13 xubnood ayaa waxa uu habeenkii jimcihii ka dhacay xarunta qasriga madaxtooyada.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dano badani ka dhaxeeyaan Somaliland iyo dalka Itoobiya, is la markaana uu soo dhaweynayo weftigan ka socda dawlad Itoobiya, waxaana uu yidhi “Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa weftigan Itoobiya nooga yimid dalka aanu saaxiibka nahay ee aanu jaarka nahay. Itoobiya waa dal weyn oo aanu jaar nahay oo aanu saaxiib nahay, oo dano badani naga dhaxeeyaan,  aad baan u daneynaynaa dhinacyo badan marka la eego oo dani inoogu jirto labadeena dhinacba in aanu ka wada shaqayno waanan soo dhaweynaynaa waftigan iyo wax wada-qabsiga naga dhaxeeya Itoobiya.”
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in uu u mahad naqayo weftigan ballaadhan ee ka socda dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay in Somaliland diyaar u tahay in ay wada shaqeeyaan dawalada Itoobiya, waaxa uu yidhi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa weftigan ballaadhanee ka socda dalka Itoobiya ee raba in cilaaqaad wanaagsan Somaliland ay yeeshaan. Somaliland diyaar waxay u tahay in ay aad iyo aad idiinla shaqayso, labo wadan oo walaalo ah ayaynu nahay dad isku mida ayaynu nahay dad aad iyo aad aanu u tixgalino ayaad tihiin, waxaanu nahay dadkii aad nabad galiseen markii Siyaad Barre duqaynayay magaaladan Hargeysa ee na siiyay meel aanu galno iyo nabad iyo meel aanu ku noolaano ee na tixgaliyay aad iyo aad baan mar labaad idiiku mahadnaqayaa. waxa aanu jecelnahay in cilaaqaadkeena iyo wax wada qabsigeena aad iyo aad u sii xoogeysto.
Wasiirka wasaarada maaliyada ee dalka Itoobiya Axmed Abu Sufiyaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in uu madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad celinayaan sida uu qiimaha leh ee uu ugu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada, waxaana uu xusay wasiirku in ay ka wada hadleen madaxweyne Silaayo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana sidii laysaga kaashan lahaa arimaha ganacsiga iyo maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalahaiyo sidii labada dawladood uga wada shaqan-lahaayeen araimaha nabadgalyada iyo dimuqraadiyada.
Wasiirka maaliyadda Itoobiya mudane Axmed Abu Sufiyaan waxa kale oo uu xusay inuu Somaliland ku amaanayo horumarka la taabankaro ee ay ku talaabsatay gaar ahaan nabada ka jirta, waxaana aanu u rajaynaynaa in ay sii socoto. waxaana aanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply