Mulkiilaha HCTV meel buu kaga dhacay Anshaxa Warbaahinta Madaxa

0
471

Marka hore aan sababeeyo qoraalka maqaalkan iyo waxa aan uga gol leeyahay, waa mide maaha mid aan shaqsina ku weerarayo, shaqsina ku difaacayo, balse waxa igu kalifay inaan khaladna ku saxo, waano iyo tusaalana u noqoto mulkiile hay’ad warbaahineed oo hadal deelqaaf ahi ka soo yeedhay, intii goobjooga ka ahayd goobtaasi hadalku ku dul dhacayna qaar u sacabiyay, balse Aniga iila ekaatay mid foolxumo ku ah ninkaasi oo aan si guud u aqaan magaciisa” Waa mulkiilaha HCTV).
Xafladii loo qabtay maalintii saxaafada Somaliland ee Xaraf Hargaysa ka dhacday khudbada Mulkiilaha HCTV waxaa ka muuqatay cadho xoogan oo uu malaha ka qaaday Guriga la sheegay in Xukuumada Siilaanyo ka saartay, Inkastoo Khudbadiisa ay  ka muuqatay dhaleecayn, dhaliil iyo hadalo duurxul ah, hadana kama maqnayn waano iyo waxsheeg uu u tebinayay Warbaahinta madaxa banaan iyo Bulshada Somaliland siiba Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qolyaha magaca qabiilka kaga hadla Tvyada uu ka mid yahay HCTV.
Marka aan u soo gundo dego Ereyada deelqaafka aan u arkay ee uu ku hadlay Farxaan Xaaji waxay ahaayeen tibaaxo aan ka dhegaystay Warbaahinta siiba websidada iyo Tvyo madaxbanaan oo kale, Tibaaxahaasi oo ku weeraray Ereyo aan u arkay kuwo aan munaasab u ahayn inuu ku hadlo Nin madax ka ah Hay’ad Warbaahineed oo madax banaan, Isla markaana uu ku Ataago masuul xil ka haya Xukuumada Siilaanyo, Ereyadaasi waxay ahaayeen kuwo shaqsi Ataag ah oo si toosa uu uGu weeraray Wasiirka Warfaafinta, shaqsi ahaan uma Arag in hadalka uu Farxaan ku yidhi Wasiirka Warfaafinta uu wax u dhimayay Wasiir Cukuse, balse waxaan u arkay in uu yahay mid Mulkiilaha HCTV nusqaan ku ah, Maxaa yeelay wuxuu ka hadlayay in la dhawro Akhlaaqiyaadka Saxaafada iyo Asluubta loo hadlo, wixii uu saxafiyiinta kala hadlayayna hortoodii ayuu kaga dhawaaqay oo uu kaga caytamay.. Miyuu Farxaan waaninayay Nafo kale oo Aadami ah, Isla markaana iloobay inuu waansho Naftiisa..
Si kastaba ha ahaatee Farxaan waxaan odhan lahaa waxa haboon qofka bulshada wax ka waaninayaa in isaguna waxaasi ka fogaado, inkasta oo ay dhacdo dhego iyo Af aan is maqal Bani Aadamka, habase ahaatee maadaama Hay’ad Warbaahineed oo madax banaan aad haysato ha noqon nin meheradiisa ku Aarguta kagana hadla aflagaado iyo ereyo khalada sida kuwii afkaaga ka soo baxay xuskii maalinta saxaafada Somaliland ee aad lahayd hebel Quraac Beera ayaan siin jiray, kelmedahaasi ma faan baad uga jeeday mise wax kale. Intaasi waxay iga tahay waaano iyo wax sheeg…
tallo iyo tuasaale waayeel, Hadaan la kala gurin sooyaal iyo gu’yaashii, la gorfayn wixii dhacay Sheekadu gundheeer iyo dux yeelanmayso.. Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo koobay maahmaah da’a weyn oo dulucdeedu tahay ” Afxumo colaadna wax Kama taro… Nabad way fogaysaa” ee masuuliiyinta madaxda ka ah warbaahinta kala duwani shacabka ha ka shaandheeyaan wixii amaankooda iyo horumarkooda wax u dhimaya ama kala fogaynaya wada noolaanshaha bulshada dalkan, isla markaana turxaan iyo kala fogaansho ku abuuraya dadkeena.
Haashim Goth.. Saxafi Madax Banaan 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply