Kulanka Wadammada G-20

0
423

Hogaamiyayaasha dunida ayaa ku kulmaya magaalada Brisbane, si ay uga qeyb qaataan shirka ay dabayaaqada todobaadka yeelanayaan wadammada G20.
Shirkan oo laba maalmood socon doona, ayaa waxaa ka qeyb geli doona hogaamiyayaasha Mareykanka, Shiinaha, Ruushka iyo kuwa kale, waxaana ay diiradda saari doonaan sidii loo dardargelin lahaa koboca.
Ra’iisulwasaaraha Australia, Tony Abbott, ayaa sheegay in hogaamiyayaasha ay ka wada hadli doonaan sidoo loo abuuri lahaa shaqooyin, aqoonsiga dadka la goosto cashuurta iyo xoojinta dhaqaalaha caalamka.
Sidoo kale waxaa la eegi doonaa xiisadaha ka taagan Ukraine ee uu ku lug leedahay Ruushka, halka dad u ol oleeya cimiladana ay doonayaan in isbadalka cimilada lagu daro ajandaha.
 

Leave a Reply