Taliyaha Booliska Oo Baaq Adag U Diray Guddoomiyaha WADDANI

0
400

Hargeysa(DAWAN):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ugu Baaqay Inaanu siyaasadda ku milin ciidanka Booliska, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay in war sheegayay in xarunta labada gole ee Baarlamaanka la geeyo ciidamo RRU-da ka tirsan.
 
“Waa war aan sal iyo raad toona lahayn, ciidamo RRU ah ma aanu geynin Xarunta Baarlamaanka Somaliland,in Ciidankan joogay ee booliska ahaa aanu bedalaynana way ka warhayeen labada Xoghaye ee labada Gole, waana arrin iska caadi ah oo nidaamka ciidanka booliska waafaqsan,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.
 
Taliyaha ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqay Xisbiga WADDANI inaanay arrimaha siyaasadda iyo ciidammadda isku dhex milin, waxaanu yidhi “Waxaan Xisbiga WADDANI ugu baaqayaa inay ciidammadda ka daayaan arrimaha siyaasadda ku dhex milaan, ciidanka Boolisku ammaanka ayuu shacbiga iyo qaranka Somaliland-ba uga masuul yahay. Guddoomiyaha WADDANI laftiisa Ciidanka booliska ayaa Ilaaliya nabad-gelyadiisa. Mana aha inuu wax ka sheego ciidanka Booliska. Waxaan leeyahay ciidanka Booliska hawshooda nabad-gelyo haloo daayo.Bulshaduna indhahooda ayaa macalin ah oo way arkayaan in xarun lala wareegay oo RRU-da la geeyay aanay jirin ee ciidankan la geeyay yihiin kuwii Saldhiga dhexe ee Hargeysa.”
 
Taliye Cabdilaahi Fadal oo la weydiiyay inay jirto in uu ciidanka Booliska ee xarunta goleyaasha loo bedalay sababo la xidhiidha mooshin la sheegay in xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cirro, waxaanu yidhi “Annaga hawshan aanu qabanay waa shaqadayadii caadiga ahayd,oo  mooshinkan aad sheegayo shaqadayadii maaha, wax noo yaalana maaha, waa nidaaamkii ciidaanka oo awal-ba la kala bedeli jirey.”
 
“Waxaan guud ahaan waxaan bulshadda reer Somaliland u soo jeedinayaa inay nabad-gelyadooda ilaashadaan oo ay la shaqeeyaan ciidammadda ammaanka iyo booliskaba,”ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply