“Ururka Jiidali Wuxuu Cambaaraynayaa Mudaharaadka Sharci Daradda ah ee uu ku Baaqay Xisbiga Waddani”

0
377

Hargeysa (DAWAN)-Ururka dhalinyarrada ah ee la magac baxay Jiidali ayaa cambaareeyay mudaharaad ay ku tilmaameen mid mu’aamaradaysan oo xisbiga WADDANI ku baaqay, waxaanay shacbiga ku dhaqan caasimadda u soo jeediyeen inaanay dheg u dhigin mudaharaadkaas sharci darrada ah.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xalay ururka Jiidali soo saaray oo uu ku saxeexnaa Guddoomiye Ku xigeenka  ururkaasi Cabdirashiid Maxamed Xaaji Aadan, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Maanta (shalay) oo ay tahay taariikhdu 14/11/2014, wuxuu ururka aqoon-yahanka Jiidali u bayaaminayaa Mujtamaca reer Somaliland, in Jiidali loo abuuray inay barbar istaagto jiritaanka qaranimada Somaliland, xoojiso walaalnimada, jaarnimada, wada dhaqanka iyo wada noolaanshaha beelaha Somaliland,  Jiidali waxay u taagan tahay inay isku furfurto  dhallinyarada iyo aqoonyahanka, oo ay hormood u noqoto dhallinyarro wax wada qabsada oo tallo midaysan leh, waxa ka go’an Jiidali inay kala shaqayso  hay’adaha amniga, sugidda iyo adkaynta nabadgalyada qaranka, Jiidali waxay  astaan u tahay dhallinyarro iyo aqoonyahano firfircoon oo ka turjumaya dareenka shacabkooda, diyaarna u ah inay wakhti, maskax iyo maalba u bixiyaan sidii qarankan Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahaa qaran waara oo horumara.
Ururka Jiidali waxaa uu aad u cambaaraynayaa xadhiga xaqdarada ah ee loo geystay guddoomiyaha Ururka Jiidali Mudane C/raxmaan Xasan Aadan, oo ku eedaysan in ururka uu hogaanka u yahay inuu abaabulaayay  Mudaharaad, eedaas oo aanu meelna ka soo galin Guddoomiyaha  iyo Ururka Jiidali toona.
Ururka Jiidali waxaa uu cod dheer ku cambaaraynayaa mudaharaadka sharci darada ah ee uu ku baaqay xisbiga Waddani isla markaana aanaan wax wada shaqayn ahi aanay naga dhaxaynin sababta  oo ah ururka Jiidali waa xisbiga Kulmiye oo uu hore u ahaa imikana uu yahay.
Haddaba waxaanu baaq u diraynaa dhammaan shacab weynaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa caasimada inay ka foojignaadaan mudaharaadka mu’aamaraydsan ee nabadgelyada wax u dhimaya.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply