Qiimaha Saliida Oo Aduunka Hoos U Dhacay

0
353

Qiimaha saliida ayaa hoos u dhac ku yimid, waxa sidaas lagu sheegay mareegaha lagu baahiyo arrimaha dhaqaalaha, sharkada Energy Agency International ayaa sheegtay in qiimaha saliidda ee hoos u dhacy ay sababtay in kor loo qaaday wax soosaarka saliida.
Qiimaha Saliida qaydhin ee Brent, taas oo ah mid ka mid ah heerarka caalamiga ah, ayaa gaadhay $ 78 iyo13 senti maalinnimadii Jimcaha, qiimahani ayaa ah mid qiimaha saliida qaydhin uu gaadho muddo Afar sanno ah.
Madaxda sharkada Energy Agency International yaa sheegay inay hoos u dhac la saadaalinaayo inuu sii socdo ilaa sannadka 2015.
Sharkadan ayaa la aasaasay kadib markii ay dhibaato xagga saliida ah uu soo foodsaaray wadamada soosaara waxaanay xakamaysaa dhaqaalaha iyo kor u kaca qiimaha saliida qaydhin.
 

Leave a Reply