Madaxda Dalalka G20 Ee Aduunka Ugu Horeeya Dhaqaalaha Oo Dalka Australia Shir Ku Yeeshay

0
457

Waxa shir uga frmay dalka Australia dadlalka ugu horeeya aduunka dhaqaalaha ee loo yaqaan G20 , iyadoo tan ay ku tilmaameen madaxda dalkaasi inay tahay mid fursad u ah dalka Australia ee shirkan maalgalinaaya.
Ajandaha shirkan ugu weyn ee lagaga hadlaayo ayaa ah in ay wadamadani  xoojiyaan xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya wadamada aduunka.
Inta lagu guda jiro shirkan waxa shirkaasi gudoomin doona Raysalwasaaraha dalkaasi Australia ee Tony Abbott kaas oo marti loo yahay.
Madaxdan shirkan iskugu timid ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ujeedooyinka shirkan waxay qaarkood tilmaameen inay tahay in laga wada hadlo sidii loo dhimi lahaa wasakhawga hawada halka ay qaar kalana ay si aad ah ugu hadleen in laga hadlo sidii gacan looga gaysan lahaa xakamaynta cudurka Ebola oo naafeeyay dhaqaalaha wadamo badan.
Ururkan oo la aasaasay sannadkii 2008,Wadamadan ayaa ku heshiiyay waxaanay saadaaliyeen in kor loo qaado dhaqaalaha wadamadan 2%, waxase shirkan hadheeyay khilaafyada dublamaasiyadeed ee ka dhexeeya wadamada Ruushka iyo Ukrain, waxaana ay madaxda wadamadan qaarkood ku baaqeen in haddii ruushku ku adkaysto arrimaha uu ka wado dalka Ukrain in lagu soo rogi doono cunaqabataano badan.

Leave a Reply