Wax-garadka Salaxlay Oo Taageero Weyn U Muujiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

0
422

Salaxlay (Dawan): Salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka Salaxley oo ka tirsan gobolka Maroodijeex ayaa ugu baaqay axsaabta mucaaridka ah gaar ahaana xisbiga Waddani in aan mudaharaadyo la soo abaabulo  iyo qabyaalad shacabka lagu akla qaybiyo lagu gaadhi Karin kursiga.
 
Waxaanay cuqaasha iyo salaadiinta deegaanka Salaxlay sheegeen in sida keliya ee kursiga lagu gaadhi karaa ay tahay doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana cidii isku dayda in ay wado kale ku raadiso kursiga aan laga ogolaan doonin maadaama oo ay  Somaliland  leedahay dastuur iyo xeerar ay dejisatay.
 
Xubnahan madax-dhaqameedka ah ee ka soo jeedda deegaanka Salaxlay waxay sidaasi ka sheegeen munaasibad uu  shalay madaxweynaha Somaliland xadhiga kaga jaray 5KM oo ka mid ah wadadda Cad ee iska xidha  Salaxlay iyo Hargaysa oo la dhamaystiray, taasi lagu  qabtay meesha loo yaqaano Qool-caday oo ka tirsan degmadda Salaxlay.
 
Waxa kale oo ay sheegeen salaadiinta iyo cuqaasha Salaxlay in ay si weyn u taageersan yihiin madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda uu hogaamiyo, taasi oo ay ku majeerteen waxqabadka muuqda ee mudaddii uu xukunka hayay  guud ahaanba dalka ka hirgeliyay, waxaanay tilmaameen in ay diyaar u yihiin in ay mar labaad doortaan madaxweyne Siilaanyo.
 
 
Suldaanka guud ee  Somaliland suldaan Maxamed suldaan C/qaadir, oo ka mid ahaa madaxdhaqameedkii munaasibadaasi lagu soo casuumay oo halkaasi hadal ka jeediyay  ayaa ka hadlay xaaladda  siyaasadda ee hada dalka ka taagan.   waxaanu sheegay in madaxweyne Siilaanyo  ay shacabka reer Somaliland cod aqlabayid ah ku doorteen, isla markaana aan qabyaalad loogu codaynin cid xoog iyo cunfi ku ridi kartaana aanay jirin ilaa inta ay dhamaanayso mudadda sharciga ah ee xilka loo doortay.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ummaddu doorasho ayay gashay  si xor ah ayaana loo codeeyay,  Wax qabiil ah laguma codaynin, madaxweynaha waxaa doortay 89%   ayuu codka ku helay. Shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay madaxweynuhu waa kii aynu dooranay, xoog iyo cunfi cidina kuma ridi karto, ninkii doonaya in uu Waddo kale marro,  waxaanu leenahay ka joog.  ummaddu waa isku mid, wax-baynu wada rabnaa.  sidii wax loo toosinayay shuruucdii dalka haddii laga talaabsado dhegta ayaa dhiiga la isku darayaa, wadankani dastuur, xeerar iyo sharci ayuu dejistay, cidii ku dhaqmi wayda ayaan loo arkin cid ummadda nasteexo u wada, cid wax duminaysa oo wax burburinaysa ayuun baanu u arkaynaa. taasina waxaa loo baahan yahay in aad looga feejig-naado. Madaxweynuhu mudaddii xilka loo doortay wuu ku taagnaanayaa, kordhin haddii ay noqotana anaga ayaaba u kordhinayna cidii nagu qabsanaysaa  fagaaraha  ha u soo baxdo.”
 
 
 
“Dadkani waa dad wada dhashay meel kala tegi maayaan, wada hadal iyo wada xaajood ayaa wax lagu dhamayn karaa, laakiin xoog,  cunfi iyo mudaharaad waxba ma soo wadaan, waa dhibaato,  dhiillo,  dhimasho iyo dhaawac waxay keentaa.
Dadka waxaan leeyahay qof waliba xor ayuu u yahay in u xoriyatul-qawlkiisa maro, laakiin haddii xoog lagu darro waxaa meeshii  imanaysa in  kala baxo, taasina waxaan leeyahay hala iska ilaaliyo” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir.
 
 
Waxa kale oo uu sheegay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir in dhibaatadda iyo dagaaladda  halakeeyay Koonfurta Soomaaliya ay sabab u tahay  xukunka oo ay qabyaaladi soo dhex gashay, isla markaana ay beelaha halkaasi wada degaa ku loolamayaan awoodda.
 
Suldaan Maxamed ayaa ugu baaqay mucaaridka Somaliland iyo cid kasta oo isku dayda in ay xoog iyo qabyaalad madaxweyne Siilaanyo xilka kaga tuurto aanay suurto gelnaynin, balse maalinta ay dhamaato intii uu Illaahay u qadaray uu xukunka ka tegayo.
 
Waxaanu yidhi  “Waxay Koonfuri u degi  wayda’ay waa  xilka  kolba qofkii haya marka lagu qabsado, oo ay qolo tidhaahdo  anagaa ka soo horaynay, qolona tidhaahdo  cidina anaga xoog  waxba nagaga   soo ridi mayso. Wakhtigiisii maalinta illaahay qadaro in uu dhamaado ayuun buu ka tegayaa, laakiin ninowna ha ku tallo gelin in aad xoog wax ku burburiso ama aad kala hor timaado xukuumadda”.
 
 
 
Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtida oo isna munaasibadaasi ka hadlay   ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu yahay Hogaamiye ku sifoobay wax-qabad iyo horumar muddadii  ay talladda dalka  haysay xukuumadda uu hogaamiyaa. Waxaanu tilmaamay xildhibaan dheeg in markii ay shacabka reer Somaliland ay hogaamiyo u qalma xukunka dalka u  doorteen markii ay madaxweyne Siilaanyo doorteen.
 
waxaanu yidhi  “Waxaan isku ciil-kaambiyaa berigii Madaxweynuhu u halgamayay Kursigan uu ku fadhiyo sidaan u hor-taagnaa ee aan lahaa waar inaga daaya. Maantana waxaan ku seexdaa intii maalintii wadday ayaan leeyahay waar noo daay Madaxweynahayaga. Waar Madixiisa iyo Mijihiisa ALLE ha raajiyee waxaad noo soo doorteen Madaxweyne wanaagsan markaasay cadho Naftu ka baxdaa,  intaasaan kaga gam’aa Mucaaridnimaddii aan berigii hore Mucaaridday , haddaan is leeyahay  intaasuu  dalka wax ka qabanayaa hubka wax baan ka dhimi lahaa berigii. 10 Km maanaan samayneen haddii  aynaan dawlad  lahayn 5 Km ee dambe ayaanu ku daraynaa hadaan Dadka la dhiiri-gelinayn oo la odhanayn waxaasaan kula qabanayaa. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Dawladda uu maanta Hoggaaminayo ALLE madixiisa ha raajiyee Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo”
 
Xildhiaan Dheeg oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Waxaan leeyahya waar marka Dawladda wanaagsan la helo Mashaariicdda socota IlLAAHAY-baa loogu mahad-naqaa, wixii Indhahaagu arkayaan ee ka Markhaati furayaan been lagama sheego. Maanta Hargeysa Bilicda u korodhay waad  aragteen, Waddooyinka loo sameeyay waad aragteen Daarihii labanka ahaa ee Ingiriisku ka taga waad aragteen Fooq-yadda laga taagay, waxa imika socdana waad aragteen waxa dambe ee soo socdana wey ka sii fiican-yihiin. Madaxweynahana waxaan leeyahay wixii Beeshani ka codsanaysay waa lagu yidhi  codkana ayaa kula murmaya”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply