Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray 5Km Oo Ka Mid Wadadda Isku Xidhaysa Hargeysa iyo Salaxlay oo La Dhamaystiray

0
423

Hargaysa (Dawan):  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo)  ayaa shalay Xadhiga ka jaray 5 Km oo ah wejigii labaad ee Wadadda Cad oo isku xidhaysa Degmadda Salaxlay iyo Magaaladda Hargeysa,iyadoo  marka la isku wada darro noqonaysa 28 Km, taasi  oo ay iska kaashadeen Xukuumadda Somaliland iyo bulshadda deegaankaasi.
 
Munaasibad  loo sameeyay  5Km ee jidkaasi  uu Madaxweynuhu xadhiga ka  jaray olagu qabtay deegaanka Qool-caday oo ka tirsan degmadda Salaxlay,  ayaa waxa ka soo qayb-galay  xubno ka tirsan golaha Wasiiradda oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Warfaafinta, wasiirka Madaxtooyadda, wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Gaashaan dhiga, wasiirudawlaha madaxtooyadda iyo masuuliyiin kale.
 
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta Guddida dhismaha Wadda cad, salaadiin, cuqaal, culimaw-diin, ganacsato iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Axmed  Siilaanyo, oo halkaasi  hadal ka jeediyay  ayaa shacabka ku dhaqan Deegaankaasi ku bogaadiyay horumarka ay  sameeyeen iyo sida weyn ee ay uga qayb qaateen dhismaha wadadaas.  waxaanu sheegay in ay  Xukuumadd ahaan  dhiiri-gelinayaan cid kasta oo ka qayb-qaadata  horumarka dalka.
 
Waxaanu sheegay in xkuumad ahaan uu waajib  ka saaran yahay in ay gacan ka geystaan wixii dalka horumarkiisa ah, isla markaana ay qaybtooda ka qaadanayaan.  waxaanu yidhi   “Dadweynaha reer Salaxlay aad ayaan idinku mahadinayaa Sharafta iyo soo dhaweynta qiimaha leh ee halkan nalagu qaabilay, waxaa farxad inoo  wadda ah in aynu Wadadda cad dhismaheeda ka wadda qayb-gelayno, waajib ayaa  naga saran wixii dalka horumarkiisa wax ku darsanaya in aanu ka caawino. Gacan iyo xil buuxana waanu ka geysanaynaa. Horumarka iyo Nabad-gelyadu waa wax muhiim u ah Horumarka qaranka”.
 
Dhinaca kale waxa uu sheegay madaxweyne Siilaanyo in uu kursiga ku yimid qaab doorasho oo sharci ah, isla markaana uu kaga tegi karo oo qudha marka cod lagaga guulaysto inta ka horaysana uu u shaqaynayo dalkiisa iyo ummaddiisa.
 
“Doorasha ayaa  nalagu doortay, waxaanu ku nimid qaab doorasho oo Sharci ah qaab Sharci ah ayaanu kaga tegaynaa INSHA ALLAH. Inta ka horaysana waxaanu u shaqaynaynaa Umadda iyo dalka, waxaanu codsanaynaa in Umadda iyo dalku na aaminaan  kalsooni badana na siisaan,  anaguna waanu aaminsan-nahay, waxaanu balan-qaadaynaa in wax aanu kala hadhaynaa Umaddayadda aanay jirin-doonin oo wixii aanu u qaban-karno aanu qabanayno,  haddii ay tahay Waddooyinka iyo haddii ay tahay Horumarka dalka.  intii aanu hadda qabanay waa wax la wadda og-yahay dhinac kasta oo ay tahayba inta ka hadhayna waanu kordhin-doonaa waanan ka sii badin-doonaa INSHA ALLAH. Waxaynu rejaynaynaa in aynu meel uga soo wadda-jeesano wixii xumaan iyo dhibaato wadda oo aynu iska leexino oo iska fogayno” ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Warfaafinta  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isna  munaasibadaasi ka hadlay ayaa Shacabka ugu baaqay inay ka feejig-naadaan waxyaabaha dhaawici-kara Xasiloonidda dalka ee ay mucaaridku hormoodka ka yihiin.
Waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay  ninka wanaagsani si wanaagsan-buu wax ku doonaa  dadka ayaana arka , laakiin Madaxweyne waxaan dadka hortoodda kuugu sheegayaa Deegaankan iyo Shacabkani Nabad-gelyadda cidk kasta oo ka hor-timaadda Garabkaaga ayy is-taagayaan, Dhismaha iyo Qaranimadda Somaliland in aan dib loo celin cidda cududda ugu weyn ee aad isku halaynaysaana waa iyagga, waxaynu walaaladeen (Mucaaridka) u sheegaynaa Nabadda aynu ilaalino , wadda noolaashahana aynu ilaalino Sharciga iyo Nabad-gelyadda, cidna  looga gabnan maayo Nin tollaayeey ay ka gaadhay,  hadda iyo jeer talaayey  haddii aad maqasho waa qof fulay ah, ma aha qof istaagi-karaya.  markaa talaayeey  ninka leh waxaanu leenahay  dadka ka daaya  Tolllaayeeydda”.
Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali X.  Xasan ayaa Munaasibadaasi ka sheegay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahaay inay horumariso Waddooyinka Dalka, waxaanu yidhi. “Wadda Salaxlay weynagii ka wadda-shaqaynaynay oo wax cusub isku sheegi-mayno, waxa weeyaan codsigu halkaa aynu ka bilawno iyo halkaa aynu geyno, waar miyaynu isku darsanaa mise weynu kala qaadanaa  armadd gaabisaan hadhow idinku. Waddana intii aad codsateen iyo in ka badan-ba  Dawladdu diyaar bay idinla tahay”.
Dhinaca kale waxa iyagna halkaasi ka hadlay Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Caddami, la taliyaha arrimaha Bulshadda ee Madaxweynaha Maxamed Iid Dhinbiil iyo Caaqil Rashiid Jaabiir ayaa sheegay inay Madaxweynaha ku bogaadinayaan Horumarka ay Xukuumaddiisu dalka ka qabatay.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply