Dilal lagu Eedeeyay Booliska Kongo

0
410

Warbixin ay soo saartay hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegeysa in bileyska dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo ay laayeen ugu yaraan 51 dhalinyaro ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale ku eedeysay bileyska in ay mas’uul ka yihiin 33 qof oo la la’yahay meel ay jiraan kaddib markii ciidamadu ay hawlgal ka dhan ah dambiyada ka sameeyeen gudaha magaala madaxda dalkaasi ee Kinshasa, hawlgalkaasi oo billowday sanadkii hore.
Hay’adda warbixinta soo saartay ayaa wareysatay in kabadan 100 askari oo ka tirsan bileyska, dad markhaatiyo ah iyo xubnaha qoysaska dhibanayaasha kuwaasi oo u sheegay macluumaad ku saabsan dilalka noocaasi ah ee bileyska ay gaysteen.
Haweeney afhayeen ah oo u hadashay hay’addani Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowladda Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo in ay qarinayso wixii dhacay isla markaana qoysaska dadka dhibanayaasha ah la cabsigeliyay oo lagu khasbay in aysan ka hadlin arrintani.
Warbixin ay qaramada midoobey soo saartay bishii la soo dhaafay ayaa sidoo kale lagu xusay dilalka noocani ah ee ka dhaca dalkaasi.

Leave a Reply