Dhimashada Weerarada Argagixisada oo aad u kordhay

0
439

Warbixin cusub ayaa tilmaamaysa in dadka adduunka ugu geeriyooday weerarada argagixisadu ay si aad ah sare ugu kaceen.
Daraasaadaas oo uu sameeyay mac’hadka dhaqaalaha iyo nabadda ayaa lagu sheegay in 18,000 oo ruux ay ku dhinteen 10,000 oo weerar oo argagixiso oo dhacay sanadkii 2013, taasina ay ka dhigan tahay in ay sare u kacday boqolkiiba lixdan.
Daraasaddu waxa ay dhimashadaasi ku eedaysay saddex meeloodow labo in ay gaysteen, Khilaafada Islaamka, Boko Xaraam iyo Taliban.
Geerida ama dhimashada ugu badan waxa ay ka dhaceen shan waddan oo kala ah Afgaanistaan, Pakistan, Nigeria, Suuriya iyo waddanka Ciraaq oo saamaynta ugu daran ay ku yeelatay argagixisadu.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in argagixisanimadu ay badanaa sababaan, dagaalo ay dawladduhu maalgaliyaan, ururo ciil ama gocosho qaba, balse aysan sabab u ahayn saboolnimadu.
 
 
 

Leave a Reply