Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga ka Jaray 5-tii Km Ee Ugu Horeeyay Jidka Isku Xidhaya Bali-gubadle Iyo Hargeysa

0
460

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Md.  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xadhiga ka jaray shantii KM  ee u horeeyay ee wadada  isku xidhaysa Baligubadle iyo magaalada Hargeysa isla markaana dhagax dhigay shan Km oo kale.
Munaasibad lagu qabtay goobta shanta kiloomitir ku dhamaanayaan ayaa waxa ka soo qayb-galay  madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka  Cadalada Xuseen Axmed Caydiid, Xildhibaano  iyo Salaadiin iyo dadweyne aad u tiro badan.
 
Madaxweyne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in gacan  ka geysan doonaan dhismaha wadada  isku xidha Hargeysa iyo Baligubadle, waxaana uu yidhi “farxad weyn ayay ii tahay in aan  xafladan ka soo qayb-galo wadadaa Baligubadle waana mid taariikhiya.Baligubadle taariikh ayay ku leedahay halgankii Somaliland sidii loo soo sheegay, waa  meeshii aanu fadhiyi jirnay ee halganka laga maamuli jiray waa meel taariikh iyo magac ku leh dalka, waxaanan hubaa in maantana dhismaha dalka iyo horumarintiisa gacan weyn ka qaadanayaan bulshadda deegaankani.”
 
“Haddii aanu nahay dawlada Somaliland waxa mar walba diyaar u nahay in aanu umadda kala qayb-galno oo aanu ku dhiirigelino dadka waxqabsanaya, haddii ay horumarinta waddooyinka tahay, tacliinta, caafimaadka iyo haddii ay horumarinta siyaasada tahay mid walba, waxaanu balan-qaadaynaa in aanu wadadaa ka qayb-galayno dhismaheeda sidii aanu balan-qaadnay gacan weyna ka gaysanayno iyadoo muhiimad weyn u leh qaranka iyo Umadaba.”
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed  Warancade oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa  uu ku amaanay bulshada gobolka Hawd dadaalka ay ugu jiraan hirgelinta  wadada isku xidhaysa Hargeysa iyo Baligubadle, waxaana uu yidhi “Madaxweyne markii aad  u dhaqaaqday dhinaca horumarka dalka, waxaana halkan ka cad in bulshadda gobolka Hawd iyo  Hargeysa anaan kaa gaabin ee ay  ku garab socdaan oo ay markhaati u tahay wadadan qiimaha leh.
Madaxweyne  waxay wadadani dheer tahay waddooyinka kale waa waddo ay suurta gal tahay haddii diyaaradaha cidhiidhi ku noqdaan  madaarka Hargeysa. Diyaaradaha qaar ayaa fadhiisan doona wadadan.”
 
Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in  xukuumad ahaan ay gacan ka gaysan doonaan dhismaha wadadan, waxaana uu yidhi “Waa tii maalintii  u horaysay ee aanu dhagax dhigaynay wadadan la yidhi 100 kun hadiyad ayaa loo bixiyay.  Intii kale way hadhsan tahay waa sidii loo sheegay laakiinse waan idin la bilownay wadadan waana  idin la dhamaynaynaa inta  lanagu qaybiyayna waan ka badsanaynaa waa idinla  dhisaynaa waana idinla dhamaynaynaa.”
 
Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa horumarka dalka ka socda ku sifeeyay in magaceeda  iyo sahrafteeda uu  leeyahay  madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu   yidhi “Mudane Madaxweyne  sharaf ayay kuu tahay  dawlada aad  hogaaminayso mashaariicda faraha badan ee ka socda dalka meel kasta shantaa  kiiloomitir   ee maanta shalay aynu dhagaxa dhigayno ee tayadeedu tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ee loogu tallogalay in ay xidhiidhiso labo magaalo,adigaa laguugu magac-darayaa.”
 
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Barre Xaaji Xuseen iyo Ugaas Axmed Cali Mahdi waxaanay tilmaameen ahmiyada wadadani uu leedahay isku xidhka magaalada Hargeysa iyo Baligubadle.  Waxa kale oo ay xukuumadda uga mahad celiyeen kaalinta togan ee ay ka qaadanayso jidkaasi.
 
Geesta kalena, Madaxweynaha Somaliland waxa si diiran ugu soo  dhaweeyay jiida u dhaxaysa goboladda Hargeysa iyo Hawd, kumanaan qof oo lulayay caleemo qoyan isla markaana madaxweynaha ugu soo dhaweeyay shucuur waddaniyadeed, una muujiyay siday ula dhacsan yihiin Hoggaamintiisa.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply