“Madaxweyne Siilaanyo Dabadii Waanu Tartamaynaa, Marka Tartan Yimaado cidii Xul ah Ayuun Baa soo Baxaysa” Wasiir Samaale

0
497

Hargaysa (Dawan): Wasiirrada Wasaaradaha  Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo C/casiis Maxamed Samaale, ayaa shaaciyay inay u sharaxan yihiin  ama ay isku soo taagayaan jagadda madaxweyne-nimo ee xisbiga Kulmiye marka uu dhamaado muddo xileedka madaxweyne Axmed Siilaanyo ee   shanta   dambe.
waxaanay  dhinaca kale labadda wasiir sheegeen in loo baahan yahay in xukuumadda tallada haysa lagu taageero  waxqabdka kala duwan ee ay dalka ka hirgelisay, isla markaana ay wakhtigan madaxweyne Axmed Siilaanyo ku  garab taagan yihiin musharaxnimadiisa.
Wasiiradani  waxay sidaasi ka sheegeen kulan balaadhan oo shalay lagu qabtay hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu taageerayay xukuumadda  tallada haysa. Kulankaasi   oo  ujeedadiisa lagu sheegay inay ahayd mid la doonayay in lagu cadeeyo in beelaha Galbeedka iyo woqooyiga   Hargeysa ay si buuxda u taageersan yihiin  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ay u codaynayaan Siilaanyo  musharaxnimadiisa marka labaad.  waxaana  ka soo qaybgalay Wasiirro,  siyaasiyiin, xildhibaano,  salaadiin, cuqaal, aqoonyahano, culima aw diin, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.
 
Wasiirka  Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale,  oo kulankaasi ka hadlay ayaa  halkaasi ka cadeeyay in musharaxa xisbiga Kulmiye ee doorashadda Madaxweyne-nimo ee soo socota uu yahay  Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu intaasi ku daray in doorashada madaxweynaha ka dib cid kasta oo  tirsan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo uu damac ka galo kursiga madaxweynenimo  ay isa soo sharixi karto, hase yeeshee ay hadda taageero dhinaca walba leh la garab taagan yihiin madaxweyne Siilaanyo.
waxaanu yidhi “Aniga iyo Maxamed Biix Yoonis iyo inta nala midka ahiba wadadda xalaasha ah ayaanu wax ku doonaynaa, madaxweyne Siilaanyo dabadiina waanu tartamaynaa, cid kasta oo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ku jirtana way u furan tahay, tartanku wax buu wanaajiyaa ee waxba ma xumeeyo, marka tartan yimaado cidii xul ah ayuun baa soo baxaysa musharaxa madaxweyne ee maanta xisbiga  Kulmiye, waa madaxweynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) muran kuma jiro, salaad aan wakhtigeedii joogin in aynu tukano miyay tahay, waa maya, ma jiro musharax kale oo imika madaxweyne Siilaanyo kala dhex tartamaya xisbiga Kulmiye”.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay  sidii gacmaha la isugu qabsan lahaa taageerida horumarka kala duwan ee dalka ka socda, kaasi oo soo jiitay indhaha dawladaha caalamka, isla markaana  horseeday in maalgashadeyaal badan oo shisheeye ay ku hamiyayaan inay Somaliland mashariic ka hirgeliyaan.
waxaanu yidhi “Waxa ugu muhimsan ee aanu halkan u nimid in aynu gacmaha isku wada qabsano in xukuumaddan maanta tallada haysa dhisano, madaxweynaheena taageerno, midawno,  danteenana meel uga soo wada jeedsno   iyo qadiyadda Somaliland ictiraaf raadinteedda, horumarkeedda, dhaqaalaheeda, nabadgelyadeeda iyo dimuqraadiyadeeda”.
Dhinaca kalena wasiirka wasaaradda Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumadu cida  qudha ee ay taageersan yihiin uu yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo sidii uu mar labaad ugu guulaysan lahaa muddo xileedkiisa dastuuriga.
“Musharaxeena koowaad ee maanta jira, ee u taagan ee joogaa, waa Axmed Maxamed Siilaanyo, ee xisbiga Kulmiye, cid kale oo ku haysataa ma jirto, waxa kale oo uu yahay waa Nelson Mandela lihii Somaliland”ayuu yidhi Abiib Diiriye.
By: Khadar C.Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply