WEEDHA WARGEYSKA: Libinta Ciidanka Booliska Iyo Fadeexad Kale oo Soo Wajahday Hoggaamiyaha WADDANI

0
470

Habeen hore waxa ciidammadda Booliska Somaliland ay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan idaacad FM ah oo  sharci darro ah oo muddooyinkii dambe laga dhegaysan jiray qeybo ka mid ah caasimadda Hargeysa, taasi oo fadeexadda naanaysteedu ay dhabarka u saaran tahay  Hoggaamiyaha xisbiga WADDANIahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Ciidanka Booliska Somaliland oo muddo si feejigan u ilaalaynayay xarunta idaacaddan iyo hawl-wadeenadeeda, ayaa ugu dambayn habeen hore fiidkii ALLE ku guuleeyay inay gacmahooda birta ah ku soo qabtaan idaacadan oo sharci darrada ka sokow, faafinaysay dacaayado qaranimadda lagula dagaalamayo iyo heeso wakhtigoodii laga soo gudbay  oo khatar ku ah ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland Iyo  dalalka jaarka la ah-ba.
Booliska Somaliland waxay idaacadan oo la magac baxday Baadi-goob ay ku bartilmaameedsadeen gurri ku yaalla xaafadda October ee magaaladda Hargeysa, waxaanay halkaasi  ku soo qabteen afar ka mid ah farsamo-yaqaanadii iyo weriyeyaasheedii, iyadoo  ay anfariir iyo guul-darro ku dhamaatay hawaawigii iyo beentii loo laqimay ee ay aaminsanaayeen in aan ciidammadda nabad-gelyaddu aanay qaban Karin, maadaama oo ay u hawl-galayaan si qarsoodi ah.
Idaacadan oo habeen hore hawada ku jirta isla markaana akhriyaysa war ku saabsan khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa mar qudha la maqlay sawaxan iyo dhawaaqa ciidanka booliska oo u galay isla markaana sarkaalkii watay uu ku leeyahay “wada wixii aad sheegayseen iyo warkii aad wadeen, ka dibna il-bidhiqsiyo ka dib hawada ayaa laga saaray idaacadaasi, waxaanay ahayd il-bidhiqsigii ugu dambeeyay cimrigeeda.
Aan ammaano, una mahad-celiyo ciidanka Booliska Somaliland oo dedaal iyo juhdi naf-hur ah ugu jira inay sugaan xasiloonida shacbigooda iyo qarankooda, waxay kooxdaasi iyo qeyrkoodba ay ficil ugu bandhigeen inaanay ku badbaadi Karin inay sharciga ka dhuuntaan.
Inkasta oo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ooh awl-galkaasi si dhow ula socday uu sheegay inuu aad ula dhacay in gacanta lagu dhigo idaacadaasi iyo afar ka mid ah shaqaalaheedii oo ciidanka Boolisku u galeen iyagoo ku gudo-jira fal-dambiyeed cad, isla markaana ay si dhakhso ah sharciga u horkeeni doonaan.
Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu intaasi ku daray inay si mug iyo miisaan leh u baadhayaan kiiska idaacadan hadal haynteeda la soo afjaray oo ay warbixin ka soo saari doonaan sidii ay dalka ku timid, cidii lahayd iyo ujeedooyinka loo sameeyayba.
 
Hase yeeshee waxa shacbiga Somaliland aan ka qarsoonayn oo bulshaddu ka wada dheregsan tahay in idaacadan fidmo abuurka ah ay qeyb ka tahay qorsheyaal ay hoggaanka dalka doonayaan inay ku gaadhaan xisbiga WADDANI ee uu guddoomiye Cirro Hoggaamiyo. Waxaanay arrintani noqonaysaa naanays hor leh iyo fadeexad kale oo uu cagaha la galay  siyaasiga miidaanka siyaasadda aan ku hafto bixin ee C/Raxmaan Cirro.
Waxa is weydiin mudan sida ummadda reer Somaliland ay u aamini karto, nin qarankiisa iyo dalka uu xilka u sareeya ka doonayo  u samaysanaya idaacado sharci darro ah oo la meeqaam ah, Radio sababay xasuuqii ka dhacay dalka Ruwanda sannadkii 1994-kii.
Inkasta oo la soo weriyay in dhammaan wixii ay baahisay idaacadan la qabtay ay duubteen ciidanka Boolisku, haddana waxa shacbi-weynaha reer Hargeysa intii ay u suurto-gashay inay dhegaystaan idaacadaasi ay ku sifeeyeen mid halisteeda lahayd oo tumaysay durbaano colaadeed oo aan looga baahnayn jamhuuriyadda Somaliland.
Heesaha ka bixi jiray idaacadan sharci darrada ah ee rayul caamka bulshaddu ka wis-wistay waxa ka mid ahaa  “Taliska Nugul ee Nashka Saaran, Dhulka soo anigu ma lihi, Ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa, Gumaystaha Dhacaaya”  iyo kuwo kale.
Si kastaba arrintu ha noqotee aan mar labaad bogaadiyo  Taliska ciidanka Booliska, cutubkii booliska ee ka hawl-galay sidii sharciga loo horkeeni lahaa kooxdaas codowga u qabaanaysay. Waxa kale oo calaamatul su’aal dul saaran tahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo la sheegay inuu dhaqaale ku bixiyay idaacadan mixnada loo aasaasey ee bulshadda kala qaybinaysay.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply