Nin Seexday Isagoo Xor ah Oo Toosay Isagoo Jeel Ku Xidhan

0
397

Gobolka Florida ee Dalka Maraykanka , nin tuug ah ayaa u dhacay guri ku yaal gobolkaasi. Tuugan ayaa markii uu guriga galay kiish ka buuxsaday dahabkii iyo alabooyin kale oo qaali oo guriga yaalay. Tuuga oo ku jiray qolka Hurdada ayaa sariirta raaxada badan ku jiifsaday ka dibna waxa qabtay lulo isagoo aad u daalana awgeed, halkaasi ayuuna ku gam’ay.
Tuugan ayay ogaatay gabadhii guriga nadiifinaysay taasi oo gaadhsiisay Booliiska. Booliiska ayaa Tuugan oo hurdo dheer ku jira qaaday isla markaana katiinad ku xidhay oo jeelka magaalada Sarasona ee Gobolkaasi Florida geeyay. Tuugan oo da’diisu ahayd 29 sano, ayuu ag yaalay kiishka uu ku guray alaabta uu xaday.
 

Leave a Reply