Booliska Kenya oo Weeraray Masjid Kale

0
397

Booliska Kenya ayaa weeraray masjid kale oo ku yaal magaalada xeebta Kenya ee Mambaasa.
Hubka laga helay masaajidka, ayaa waxa ka mid ah bambooyin, bamka laga sameeyo petrolka iyo dhowr baangad.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay halkaas ka heleen qoraalo lagu dhiira gelinayo xagjirnimada.
Madaxa booliska ee deegaanka Kisauni ee magaalada Mombasa Richard Ngatia, ayaa sheegay in masaajidka ay dhawaan la wareegeen dhalinyaro xagjiriin ah.
Weerarka shalay  lagu qaaday masaajidka ayaa daba socda weeraro kale oo ay isniintii booliska ku qaadeen masaajidada Musa iyo Sakina.
Sedexda Masaajid ayaa hadda la xidhay oo aysan dadka isticmaali Karin.
Wasiirka ammniga ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in weerarada masaajidada ee la rumeysan yahay in ay gabaad u yihiin xagjirta, la sii wadi doono ilaa ammaanka magaalada Mombasa laga sugayo.
Wadaadada Islaamka ah ayaa waxa ay canbaareeyeen weeraradaasi lagu qaaday masaajidada, waxa ayna sheegeen in arrintaasi ay ku sii riixi doonto dhalinyarada xeebta in ay noqdaan xagjiriin.
 

Leave a Reply