Bakistaan: Dad Ehelo ah oo lagu wada Xukumay Dil

0
365

Afar  qof ayaa lagu xukumay in lagu dilo dhagax, kaddib markii ay dileen haweenay 30 jir ah oo ay ehelo ahaayeen, taas oo guursatay nin aysan la rabin ayaga oo ka soo horjeeda .
Aabaha dhalay haweeneyda, walalkeed, ina adeerkeed wiil ah iyo wiil ay u doonaneyd ayaa lagu xukumay xukun dil ah, iyada oo sidoo kalena xukun 10 sano ah lagu riday wiil kale oo la dhashay.
Masuuliyiinta xabsiga ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay racfaan ka qaadan karaan maxakamadda sare ee Lahore.
Farzana parveen ayaa geeriyootay kaddib markii eheladeeda ay ku weerareen budad.
Waalidiinta gabadha ayaa ku eedeeyay ninka gabadhooda guursaday in uu afduubtay, waxa ayna u gudbiyeen dacwad ka dhan ninkaasi Maxkamadda Sare.
Balse booliiska ayey u cadeysay in ninkasi ay iskeed u guursatay oo uusan qasbin.
Markii ay soo gashay dhismaha maxkamadda si ay u dhageysato dacwada, ayaa waxa soo weeraray tiro dad ah oo ka tirsan xubnaha qoyskeeda, waxa ay bilaabeen in ay garaacaan iyada iyo seygeeda kaas oo markii dambe ka baxsaday.
Qeyba ka mid ah dalka Pakistaan, ayaanan dhaqan ahaan laga ogolayn in dumarka ay guursadaan guur aysan eheladooda raali ka ahayn.
Masuuliyiinta halkaasi ayaa sheegaya in boqolaal gabdho ah ay dilaan sanad walba xubno ka tirsan eheladooda, balse kiisaskaasi aanba loo soo gudbin booliska.
 

Leave a Reply