Bukina Faso oo Ra’iisulwasaare loo Magacaabay Taliyihii Ciidanka

0
410

Maamulka gacanta ku haya Burkina Faso ayaa u magcaabay taliyaha ciidanka dalkaasi, Gaashaanle sare Isaac Zida, in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha kumeel gaadh ka ah ee uu dalkaasi yeelanayo.
Zida ayaa waxa uu ka mid ahaa taliyayaasha ciidanka ee la wareegay talada dalkaasi, kaddib markii lagu qasbay madaxweynihii hore Blaise Compaore, in uu xilka baneeyo 31-kii bishii Oktoobar.
Waxa uu isku magacaabay madaxweynaha dalka, balse maalintii salaasada ahayd waxa uu goob joog ka ahaa caleema-saarka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Michel Kafando, oo loo magacaabay in uu noqdo madaxweyne kumeel gaadh ah.
Talaabadaan ayaa ka danbeysay kaddib markii la gaadhay heshiis ku saabsan hal sano oo ku meel gaadh ah doorashooyinka ka hor.
Heshiiskaan ku meel gaadhka ah ayaa si ballaadhan u xadidaya awooda madaxweynaha Mr Kafando oo ay soo xusheen Miletariga.
Heshiiskan ayaa waxa uu farayaa in la soo dhiso gole baarlamaan inta laga gaadhayo doorashooyinka lagu wado in la qabto sanadka soo socda.
Gaashaanle sare Zida, ayaa haatan lagu wadaa in uu qabto wada hadalo lagu dhisayo dowlad kumeel gaadh ah.
Mr Compaore ayaa xilka dalkaasi kula wareegay afganbi milatari oo dhacay sanad-kii 1987-kii waxa uuna ku soo baxay 4 doorasho oo mucaaradka dalkaasi ay ka biya diideen.
 
 

Leave a Reply