Qorshe Lagu Yaraynayo Dhimashada Hooyadda Ee Xilliga Dhalmadda

0
430

Hargeysa(Dawan): Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday ka hor tagga dhimashadda  Hooyada xilliga dhalmadda,iyadoo bilawday qorsheyaal lagu xakamaynayo sidii loo yarayn lahaa dhibaatadaasi.
 
Waxaana la balaadhiyay  goobaha laga helo adeegyadda caafimaadka Hooyadda iyo Dhalaanka oo dalka lagu fidiyay, gaadiidka gurmadka caafimaadka oo la badiyay iyadoo  kal-kaaliyeyaasha caafimaadka aqoontooda kor loo qaaday gaar ahaan umulisooyinka.
 
Munaasibad ay soo qaban qaabisay wasaaradda Caafimaadka  oo shalay ka dhacday hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa ayaa  lagaga dhawaaqay hirgelinta barnaamijka  ka hortagga geerida hooyada xiliga dhalmada  ama umul aroorka sababaha keena.
 
Wasiirka  Caafimaadka  Dr.  Saleebaan Ciise Axme (Xagla-toosiye), oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay wadamadda ugu badan ee ay dumarku umul-raaca ugu dhintaan, isla markaana ay hada bilaabeen qorshe dhibaatadaasi wax lagaga qabanayo.
 
Waxaanu tilmaamay in xukuumadda taladda haysa ay dedaal weyn u gashay sidii hoos loogu dhigi lahaa geeridda Hooyadda ee xiliga dhalmadda. “Ma diidanin geerida laakiin waxaynu isgu nimi oo aynu isku guubaabinaynaa sidii aynu wax uga qaban lahayn sababbaha keena dhimashada hooyada xiliga uurka illaa dhalmada oo ah mid dalkeena aad ugu badan isla markaana aynu ka mid nahay dalalka ay hooyooyinka ugu badani ku geeriyoodaan xiliga uurka ilaa dhalmada. Boqolkiiba  kunka    Hooyo ee dhala waxay dhimashadu maraysay markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegtay  kun iyo afartan iyo afar waxaanu hoos u dhignay sagaal boqol,markaa halkaa waxaad ka arkaysaa in aynu wax badan ka qabanay laakiin ay weli jirto loona baahan yahay in wax laga qabto” ayuu yidhi wasiirku.
 
Dr. Xaglo-toosiye  waxa  kale oo uu  sharaxay   sababaha ugu badan  ee keena umul aroorka hooyada iyo sida ay xukuumad ahaan wax uga qabanayaan. Waxaanu yidhi “Sababaha ugu waawayn ee keena umul aroorka ama dhimashada hooyada waxaa ugu horreeyay goobaha caafimaadka oo yaraa   dalkana aan wada gaadhsiisnayn waxay Xukuumadda Axmed Siilaanyo intii ay xukunka  haysay dalka ku soo kordhisay 40 goobood oo caafimaad oo kuyaalla dalka oo dhan,waxaa kale oo aanu soo kordhinay isla markaana dhamaan gobolada dalka oo dhan aanu wada gaadhsiinay gaadiidka  gurmadka deg degga ah oo aan markii hore jirin, mida sadexaad ee aanu kaga hor tegaynaa waa dhakhaatiirta oo aanu ugu yaraan shan laabnay intii dalka ka diiwaan gashanayd iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo aqoontoodu sarrayso oo aanu soo saarnay,iyadoo aynaan haysan dhaqaale buuran oo baahiyahaasoo dhan lagu dabooli karo,ayuu hadana Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhiiraday in uu hawshaa baaxadda leh wax ka qabadkeeda u badheedho oo  aanu dalka ka hir galino in laga hor tago sababba keena umul aroorka hooyada.waxaa kale oo aanu u mahad naqayaa hayadaha aanu wada shaqaynta leenahay.”
 
 
 
xafladaasi ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo ay ka mdi ahaayeen  Wasiiradda Caafimaadka Dr.  Saleebaan Ciise (Xaglatoosiye),Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ,Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariis Ismaaciil.
 
Waxa kale oo munaasibadaasi goob jog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Caafimaadka Dr Cismaan Xuseen,Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigainta Maxamed Cilmi Aadan,dhakhaatiir hayadaha Wasaaradda Caafimaadka ay wada shaqaynta leeyihiin ee UNICEF,WHO,UNFPA.iyo Mrti sharaf kale oo aad u tiro badan.
 
 
Wasiirka  Qorshaynta Dr.  Sacad Cali Shire oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa  ka waramay  dhibaatadda ay bulshadda ku hayso umul-raacu, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in si heer qaran ah wax looga qabto yaraynta geerida Hooyadda ee xiliga dhalmadda.
 
Waxaanu yidhi “Waxaa nasiib darro ah in iyadoo caalamku ay in badan ku guulaysteen in ay xakameeyaan ama ay yareeyaan dhimashada hooyada xilliga dhalmada in aynu Somaliland haddaynu nahay aynu noqonay dalalka ay ugu badan yihiin  dhimashada hooyadu xilliga dhalmada,anigu si laga yaabo in ay daan u dareemayn hooyo la,aanta ayaan u dareemayaa sababtoo ah aniga ayaa ku soo koray oo ay hooyaday geeriyootay anigoo laba jir ah, taasina waxay sababtay in ay saamayn ku yeelato koriaankaygii iyo guud ahaan noloshaydaba,ilmuhu hadduu hooyo waayo iyo hadduu aabbaha waayo way kala duwan tahay waxaanu nolosha u dhutiyaa marka uu hooyo la,aanta ku soo koro,markaa waxaa inagu wada waajib ah in aynu ka hor tagno qaran ahaan oo Wasaaradda Caafimaadka aynu gacan ku siino sidii looga hor tegi lahaa waxba looga qaban lahaa cudurada sababa in ay hooyadu geeriyooto xilliga dhalmada,ujeedadu maaha in aynu geerida baajinayno oo qadarka waynu rumaysanahay laakiin waxyaabaha aynu wax ka qaban karayno ee caaamkuna ku guulaystay wax ka qabashooda waa in aynu wax ka qabana,wada jirna la iskaga wada kaashado.”
 
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafiaadka Somaliland Dr.  Cismaan Xuseen oo munaasibada ka hadlay ayaa ka warramay   guud ahaan dalka Somaliland sida ay ugu diyaar garoobeen in ay ka hor tagaan dhimashada hooyada xiliga umusha waxyaabaha sababba.
 
Waxaanu   tilmaamay in ay dalka ku badan tahay,waxa kale oo uu Agaasimaha guud ee Caafimaadku sheegay in ay kaga hor tagayaan laba qodob oo aad muhiim ugu ah xakamaynta  sababaha keena dhimashada hooyada xiliga dhalmada oo ah in hooyo kasta oo uurleh isla markaana u baahan xaalad caafimaad oo gurmad ah in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dalkana ay ka hawl galiyeen goobo caafimaad oo ka wada shaqeeya dhamaan gobolada Somaliland iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah oo iyaguna u diyaar ah soo gaadhsiinta hooyada  xaamilada ah goob caafimaad.
 
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo munaasida hadal diiniya oo ku saabsan daryeelka hooyda ka jeediyay ayaa aad ugu dheeraaday xuquuqda iyo qiimaha ay hooyada siisay diinta Islaamku isla markaana loo baahnaa in mushtamaca Islaamku in ay caalamka intiis akale baraan oo ay kaga horreeyaan dhawrista xuquuqda hooyada.
Sidoo kale Wasiirka  Waxbarashada  Samsam Cabdi Aadan, oo iyadna munaasiabdaasi hadal ka jeedisay ayaa balan qaaday in ay  ka wasaarad  ahaan arrintaasi kaga qayb qaadanayaan  in ay soo saaraan hablo wax bartay guud ahaan Somaliland. si loo helo hooyo waxbaratay oo aqoon ahaan dhisan si ay aqoon ugu yeelato ku xidhnaanta goobaha caafimaadka waxaanay tilmaantay marka la heo hooyo waxbaratay in ay sahlanaanayso sida loo yarayn karo ama loo xakamayn karo sababaha keena dhimashada hooyada xiliga dhalmada.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply